Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Shiidaal Yaraan Laga Dareemay Magaalooyinka Dalka

0
560

Hargaysa (Dawan): Dhawrkii maalmood ee u dambeeyay waxa magaalooyinka Somaliland  gaar ahaana caasimadda Hargeysa,  si weyn looga dareemay shiidaal yaraan ka jirtay, iyo sidoo kale kor u kac ku yimid qiimaha shiidaalka lagu iibinayay.
waxaana la sheegay in  shiidaal yaraanta dhacday iyo kor u kaca qiimaha lagu iibinayayba uu yahay mid ku kooban   Baadroolka  oo keliya, kaasi oo ah nooca shiidaalka ee loogu isticmaalka badan yahay, iyada oo arrintaasina saamayn ku yeelatay  gaadiidlayda ka shaqeeya gudaha caasimadda iyo kuwa u kala goosha  goboladda dalka.
Sidoo kale qaar ka mid ah kaalmaha shiidaalka  tafaariiqda ku iibiya ee ku yaala  magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in ay  joojiyeen iibinta shiidaalka gaar ahaana baadroolka halka qaarna ay kordhiyeen qiimihii hore ee ay Baadroolka ku iibin jireen.
Wasiirka Wasaaradda  Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim,  oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN, oo aanu wax ka waydiinay waxa sababay  arrintani  ayaa  sheegay in aanay  wax  shiidaal yaraan ahi  dalka ka jirin, hase yeeshee in arrintaasi ay tahay mid ka  timid dhinaca Kaalmaha shiidaalka iibiya, kuwaasi oo markii ay ka war heleen in aanay  weli dalka soo gaadhin Maraakiibta shiidaalka lagu soo raro.
Dr. Muuse Qaasin   waxa kale  oo uu tilmaamay in uu shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay ganacsadda shiidaalka soo dejiya, isla markaana uu kala   hadlay waxa sababay  shiidaal yaraanta iyo kor u kaca ku yimid qiimaha lagu iibinayay,  iyada oo  ay ganacsataduna u sheegeen in maraakiib shiidaal badan u sida iyaga ay badda ku soo jiraan lana filayo in ay todobaadkan dalka soo gaadhaan.
Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shiidaalka Naaftaduna way taalaa, Baadroolkiina wuu soo socdaa, markaa wax dhib ahi  ma jirto, maanta (shalay)  ayaan isugu yeedhay ganacsatadda shiidaalka dalka keenta, oo aanu shir xafiiskayaga kula yeeshay, waxaanay ii sheegeen in shiidaalku soo raran yahay oo soo socdo, shiidaal inagu filanina wuu inoo yaalaa. inta shiidaalka kale soo gelayo ayay kaalmaha shiidaalka iibiya qaarkood  ay yareeyeen iibkiisa, halka qaarna  qiimaha ay ku iibinayeena kordhiyeen, shiidaalkuna wuu yaalaa magaalooyinka, kii kalena wuu soo socdaa, markaa wax dhib ahi ma jiraan”.
Waxaanu intaasi ku daray “Waxaan kala hadlay ganacsatada Shiidaalka soo dejisa, waxa keenay shidaal yaraanta maalmahan danbe magaalooyinka laga dareemay waxaanay ii sheegeen in aanay wax shiidaal yaraan ah, isla markaana uu shiidaal badan dalka yaalo, hase yeeshee in kaalmaha shiidaalka iibiyaa ay yareeyeen iibintiisa, qaarna ay qiimaha yara kordhiyeen, waxaanay  i tuseen ganacsatadu saxeexa ay saxeexeen in shiidaalka lagu soo iibiyo” ayuu yidhi wasiirku.
 
Wasiirka Ganacsiga oo aanu waydiinay kuwa ay yihiin shirkadaha ugu waaweyn ee shiidaalka soo dejiya, waxa uu yidhi “Shirkadaha shiidaalka dalka keena waxaa ka mid ah Hass Petroleum, Red Sea iyo kuwo kale,   way badan yihiin oo runtii imika magacyadooda ma wada xasuusto, laakiin waa ilaa todoba shirkadood”.
 
Si  kastaba ha ahaatee, ma aha markii u horaysay ee shiidaal yaraan laga dareemo dalka, tan iyo wixii ka danbeeyay   markii markii  laga wareejiyay shirkaddii Total badhtamihii sanadkii 2010, taasi oo ay Kooto ugu xidhnay keenida shiidaalka ee Somaliland.
waxaana  marar badan soo  noqnotay cabashooyin ka soo yeedhay gaadiidlayda kuwaasi oo ka cabanayay shiidaal yaraan iyo  tayadiisa oo aan  wanaagsanayn, isla markaana dhibaato iyo cilado ku keenay baabuurta.
By: Khadar  Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply