Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Shiidaal Yaraan Laga Dareemay Magaalooyinka Dalka

0
598

Hargaysa (Dawan): Dhawrkii maalmood ee u dambeeyay waxa magaalooyinka Somalilandย  gaar ahaana caasimadda Hargeysa,ย  si weyn looga dareemay shiidaal yaraan ka jirtay, iyo sidoo kale kor u kac ku yimid qiimaha shiidaalka lagu iibinayay.
waxaana la sheegay inย  shiidaal yaraanta dhacday iyo kor u kaca qiimaha lagu iibinayayba uu yahay mid ku koobanย ย  Baadroolkaย  oo keliya, kaasi oo ah nooca shiidaalka ee loogu isticmaalka badan yahay, iyada oo arrintaasina saamayn ku yeelatayย  gaadiidlayda ka shaqeeya gudaha caasimadda iyo kuwa u kala gooshaย  goboladda dalka.
Sidoo kale qaar ka mid ah kaalmaha shiidaalkaย  tafaariiqda ku iibiya ee ku yaalaย  magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in ayย  joojiyeen iibinta shiidaalka gaar ahaana baadroolka halka qaarna ay kordhiyeen qiimihii hore ee ay Baadroolka ku iibin jireen.
Wasiirka Wasaaraddaย  Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim,ย  oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN, oo aanu wax ka waydiinay waxa sababayย  arrintaniย  ayaaย  sheegay in aanayย  waxย  shiidaal yaraan ahiย  dalka ka jirin, hase yeeshee in arrintaasi ay tahay mid kaย  timid dhinaca Kaalmaha shiidaalka iibiya, kuwaasi oo markii ay ka war heleen in aanayย  weli dalka soo gaadhin Maraakiibta shiidaalka lagu soo raro.
Dr. Muuse Qaasinย ย  waxa kaleย  oo uu tilmaamay in uu shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay ganacsadda shiidaalka soo dejiya, isla markaana uu kalaย ย  hadlay waxa sababayย  shiidaal yaraanta iyo kor u kaca ku yimid qiimaha lagu iibinayay,ย  iyada ooย  ay ganacsataduna u sheegeen in maraakiib shiidaal badan u sida iyaga ay badda ku soo jiraan lana filayo in ay todobaadkan dalka soo gaadhaan.
Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi โ€œShiidaalka Naaftaduna way taalaa, Baadroolkiina wuu soo socdaa, markaa wax dhib ahiย  ma jirto, maanta (shalay)ย  ayaan isugu yeedhay ganacsatadda shiidaalka dalka keenta, oo aanu shir xafiiskayaga kula yeeshay, waxaanay ii sheegeen in shiidaalku soo raran yahay oo soo socdo, shiidaal inagu filanina wuu inoo yaalaa. inta shiidaalka kale soo gelayo ayay kaalmaha shiidaalka iibiya qaarkoodย  ay yareeyeen iibkiisa, halka qaarnaย  qiimaha ay ku iibinayeena kordhiyeen, shiidaalkuna wuu yaalaa magaalooyinka, kii kalena wuu soo socdaa, markaa wax dhib ahi ma jiraanโ€.
Waxaanu intaasi ku daray โ€œWaxaan kala hadlay ganacsatada Shiidaalka soo dejisa, waxa keenay shidaal yaraanta maalmahan danbe magaalooyinka laga dareemay waxaanay ii sheegeen in aanay wax shiidaal yaraan ah, isla markaana uu shiidaal badan dalka yaalo, hase yeeshee in kaalmaha shiidaalka iibiyaa ay yareeyeen iibintiisa, qaarna ay qiimaha yara kordhiyeen, waxaanayย  i tuseen ganacsatadu saxeexa ay saxeexeen in shiidaalka lagu soo iibiyoโ€ ayuu yidhi wasiirku.
 
Wasiirka Ganacsiga oo aanu waydiinay kuwa ay yihiin shirkadaha ugu waaweyn ee shiidaalka soo dejiya, waxa uu yidhi โ€œShirkadaha shiidaalka dalka keena waxaa ka mid ah Hass Petroleum, Red Sea iyo kuwo kale,ย ย  way badan yihiin oo runtii imika magacyadooda ma wada xasuusto, laakiin waa ilaa todoba shirkadoodโ€.
 
Siย  kastaba ha ahaatee, ma aha markii u horaysay ee shiidaal yaraan laga dareemo dalka, tan iyo wixii ka danbeeyayย ย  markii markiiย  laga wareejiyay shirkaddii Total badhtamihii sanadkii 2010, taasi oo ay Kooto ugu xidhnay keenida shiidaalka ee Somaliland.
waxaanaย  marar badan sooย  noqnotay cabashooyin ka soo yeedhay gaadiidlayda kuwaasi oo ka cabanayay shiidaal yaraan iyoย  tayadiisa oo aanย  wanaagsanayn, isla markaana dhibaato iyo cilado ku keenay baabuurta.
By: Khadarย  Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here