WEEDHA WARGEYSKA: Dhawaaqa Danjireyaashu Waa Faro-gelin Qaawan Oo Aanay Somaliland Dheg u Dhigi Doonin

0
533

Somaliland oo ah Qaran Dimuqraadi ah oo si weyn u xaaleeya nabad-gelyadda guud ee mandaqadda gobolka Geeska Afrika,  waxay la yaabtay  baaq indho sarcaad ah  oo xaqiiqda lagu daboolayay  oo shalay ka soo yeedhay saddex danjire oo ka kala tirsan dawladda Maraykanka, Qaramadda Midoobay iyo Midowga Yurub, kuwaasi oo Somaliland ugu baaqay inay ka baxaan magaaladda Saax-dheer ee gobolka Sool oo ciidammadda qaranku ay khamiistii la wareegeen ka dib markii ay hawl-gal ay ku qaadeen kaga saareen kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo oo uu horkacayo Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh.
Somaliland waxay kaalin wax ku ool ah oo joogto ah iskeed iskugu xil-qaantay inay door muhiim ah iyo kaalin weyn ka qaadato xasilinta gobolka Geeska Afrika, hase yeeshee wax macno ah uguma fadhiyaan baaqa ka soo yeedhay saddexda dublamaasi ee kala  ah Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya, James P. McAnulty, ergayga Qaramada Midoobay Somaliland/Somalia, Nicholas Kay iyo safiirka Midowga Yurub ee Somaliland/Somalia, Michel Cervoned’Urso, kuwaasi oo bayaan wada jir ah oo ay soo saareen Somaliland ku booriyay inay ka baxdo magaaladda Saax-dheer ee gobolka Sool, Bayaankaasi oo ah   dhawaaq  laab la kac ah oo ay ka muuqato inay ka indho saabanayaan xaqiiqada iyo waaqica dhabta ah. Somaliland waxay ku sugan tahay soohdimaheedii, mana jirto dal la jaar ah oo ay ku xad-gudubto xuduuddiisa dhuleed iyo badeed midna.
 
Dublamaasiyiintani waxay ahayd inay cambaareeyaan inay kooxaha  nabad diid ahi ay dhulka Somaliland ay ka sameeyaan fad-qalalo ay ku masaynayaan dalka dagaaladdu dishoodeen ee Soomaaliya. Somaliland miiska kama soo qaadi doonto baaqa aan xikmadda lahayn ee ka soo yeedhay saddexdan wakiil oo ay ahayd inay si dhab ah u darsadaan saamaynta taban ee dhaqdhaqaaqyadda nabad diidku ku yeelan karaan Somaliland Iyo guud ahaan dalalka gobolka haddii aan la dhiciseynin hindiseyaashooda maan-gaabnimada ah.
 
Somaliland kama baaqsan doonto inay difaacdo soohdimaheeda mucayinka ah isla markaana ay cashar ay wax ku qaataan u dhigaan  kooxaha nabad-diidka ah oo ay dhegahooda ka sii guuxayso wixii Cali Khaliif Galaydh-kii baanayay kaga dhacday Saax dheer.
Baaqani muu istaahilin  in loo nisbeeyo  Ururadda caalamiga ah. “Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah looga saaro ciidamada hubaysan deegaanka Saaxdheer iyo in si dhaqso ah loo daayo maxaabiista la haysto. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan qaybaha inay ka waantoobaan rabshado iyo inay sameeyaan dedaal wadajir ah si loo dajiyo xaaladda, looguna xalliyo,”ayay yidhaahdeen Safiirradaasi.
Sadexda Safiir hadday ku macaashaan qaska iyo dagaalada ka oogan Soomaaliya oo ay mashaariic ku qaataan waxaan u sheegaynaa in aan Somaliland marnaba  lagu dhex beeri Karin kooxo nabad-diid ah oo ay  wada shaqaystaan wakiilada soo saaray war-saxaafadeedkan meel ka dhaca ku ah qarannimada Somaliland haddii aanay jirin dan ay wadaagaan kooxa nabad-diidka ah iyo dhawaaqa sadexda safiir waxaa habboonn in ay ixtiraamaan soohdimaha xuduudeed ee ay Somaliland la wadaagto dalalka dariska ay yihiin.
 
Somaliland oo jecel inay si weyn ula shaqayso beesha caalamka, haddana wax gorgortan ah cidna kalama galayso inay dalkeeda difaacato, isla markaana ay ul-dheer iskaga qabato cid kasta oo ku soo xad-gudubta xuduudaheeda. Waxase ayaan darro ah in wasaaradda Khaarajiga Somaliland ay ku fashilantay inay ka hadasho oo jawaab ka bixiso bayaankan rayul caamka bulshadda Somaliland ka biyo diideen oo ka soo yeedhay sadexdaas wakiil oo hadalkoodu u muuqday mid ay ku faro-gelinayaan qaranimadda Somaliland.
Waxa kale oo aanu Bogaadinaynaa Guddoomiyaha xisbiga UCID  Eng. Faysal Cali Waraabe oo si qaranimo ugu jawaabay wakiiladaasi, Waxaanu  buuxiyay kaalintii ay wasaaradda khaarigu gabtay, iyadoo haddii Wasiir Maxamed Biixi  uu dalka ka maqan yahay aanay jirin cid kale  oo masuuliyiin ah oo awoodi karta inay ka jawaabto wixii deel-qaaf ku ah qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Iyadoo marka horeba ay wasaaradaasi xilkeedu yahay inay beesha caalamka  ku qanciso inay Somaliland xaq u leedahay inay sugato xuduudaheeda qaran oo waafaqsan xuduudihii Afrika ay uga tageen gumaystihii.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply