“Ma Suurto-galayso In Laas-caanood Iyo Buuhoodle laga Sameeyo Maamul Somaliland ku dhex jira”

0
499

Hargeysa, (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka  ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe  ayaa si adag uga jawaabay dhawaaq ka soo yeedhay wakiillada qaramada midoobay, midowga Yurub iyo Maraykanka  oo xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay ciidamadeeda  kala baxdo magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool.
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay beesha caalamku xaq u lahayn inay Somaliland wax u yeedhiso, waxaanu tilmaamay inaanay cidna fasax uga qaadanayn inay tallaabo ka qaadaan ciddii khatar ku ah qarannimada iyo xasiloonida dalka.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Aad iyo aad ayaanu uga xunahay in dagaalkaasi dhaco waananu ka tacsiyadaynaynaa dadkii dhintay, markii horena waanu ka hawlgalnay ee shirku socday inaanu halkaa dagaal ka dhicin, laakiin meeshu bahalo galeen ayay noqotay oo waxa yimi diyaarado hub u sida Buuhoodle, kuwaas oo ka yimi Soomaaliya, waxaana loo arkay in meeshaasi khatar ku tahay jiritaanka iyo nabadgelyada Somaliland, markaa waddan kastaa waxa  uu xaq u leeyahay inuu dalkiisa iyo dadkiisa ilaaliyo., markaa lama huraan ayay noqotay, laakiin waanu ka xunahay in arrintaasi dhacdo.”
Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu tilmaamay in aanay beesha caalamku  Somaliland waxba u yeedhin Karin, maadaama ay tahay dal iskii wax u qabsaday, “Beesha caalamku annaga (Somaliland) waxba nooma qabato dalkani dal burburay ayuu ahaa, annagaa gacmahayaga ku samaysanay, hadday beesha caalamku wax ka qabato Soomaaliya oo ay natiijo ka leeyihiin, annaga waxba nama siiyaan xaqna noogumalaha inay wax noo yeedhiyaan, waana meel aanay waxba ku darsan, annagaa dhamaysanayna oo waa gudahayaga, dalna ma ogolaado in laga sameeyo gudihiisa waddan kale macquulna noqon mayso in Somaliland laga dhex sameeyo wax la yidhaahdo Khaatumo State, wax caqliga galayana maaha in fidnada Soomaaliya lagu soo xawilo Somaliland ma  fiicna, waxaanu rabnaa in Soomaaliya la hagaajiyo, laakiin hadda waxa muuqata in Somaliland lala doonayo in lagu celiyo halka ay  Soomaaliya marayso, taasina xal noqon mayso xalka Soomaaliyeedna Ingiriis Maraykan iyo UN ma hayaan ee dadka ayay gacantooda ku jiraan.” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay u warramayay Idaacada VOA.
Guddoomiyaha xisbiga UCID mar la waydiiyay in kala fogaan ay ku keenayso Somaliland dadka deegaanka Saax-dheer  dagaalka halkaasi ka dhacay, waxa uu yidhi, “Dadka halkaas degani waa dad reer Somaliland ah oo aanu doonayno in maamulka la gaadhsiiyo, laakiin waxay canaantu saaran tahay ninka Xamar inta uu ka yimi yidhi caleemo saara dawlad aan suuragal ahayn ayaan samaynayaa oo aan caqliga galin oo fidno ah, kaas ayay canaantu saaran tahay, bal haddaan fadhiisto Ina Guuxaa oo ah xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo aan idhaahdo waxaan samaynayaa Ciida-gale State, taasi suurtagal noqon mayso, markaa siday u suurtagalaysaa in deegaannada Dhulbahante ee Laascaanood iyo Buuhoodle laga sameeyo maamul Somaliland ku dhex jira, wax suurogala maaha, dadkuna maaha Cali Khaliif, markii hore ee Taleex lagu shiray ayaad moodaa in dadku u dhamaayeen intooda badani 18 Suldaan ayay leeyihiin, hal Suldaan ayaa la joogay oo doonaya inuu dadka salaan ka dhigto, Somaliland ogolaan mayso in dadka walaalaha ah la isku diro, beesha caalamka halkii loo diray waa Soomaaliya ee nabad ha ka keento.”
Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ku adkeeyay qaramada midoobay, Maraykanka iyo midawga Yurub inay ka hawlgalaan halka loo igmaday ee Soomaaliya, balse aanay raali ka ahayn Somaliland inay faro-gelin ku sameeyaan, waxaanu yidhi, “Marka uu shirku dhacayay waxa uu ka dhacayay dhinaca Itoobiya, Somaliland  iyo Itoobiya xad ayay leeyihiin oo 400 oo KM ayay Somaliland xad la leedahay oo ah xuduudka ugu nabada badan markaa suurtogal noqon mayso in aanu ka ilaalino dhulkooda wax rabshada. Waan ku taageersanahay in Itoobiya runta ay u sheegto oo aan lanagaga soo duulin xageeda, markaa waxaan ku celinayaa beesha caalamku Somaliland waxba uma yeedhin karaan oo annagaa dalkan dhisanay oo nabadgelyada keensanay, markaa maaha markay ku fashilmeen Soomaaliya inay annaga shaqo naga dhigtaan.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply