Wasaaradda Khaarajiga Oo Ku Fashilantay Inay Ka Dareen celiso Bayaan ay Soo Saareen Saddex Danjire oo Somaliland ka dhan ah

0
500

Hargeysa (DAWAN)- Wefti oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ee Jamhuriyada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo  uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Waran-cadde,  ayaa khamiistii  u kicitimay dalka Itoobiya ayaa shalay kulan la yeeshay  Wasiirul  Dawlaha Arrimaha Dibada isla markaana ah u qeybsanaha   wasaarada arrimaha Afrika,  Birhane Gkiristos.
. kulankaasi oo ahaa mid hadhimo sharafeed ah, waxa si aad ah loogu falan qeeyay xidhiidhka Taarikhiga ah  ee walaaltinimo ee u dhaxeeya labada wadan Ethiopia iyo Somaliland waxa si gaar ah diirada loo saaray arrimaha Nabadgalyada, Ganacsiga, Siyaasada ee Gobolka.
Kulankaas labada dhinacba waxay iskula qaateen in la sii xoojiyo xidhiidhka labada dal wixii Daganaashaha iyo horumarka labada wadan wax yeelayana meel looga soo wada jeedsado..Labada dawladood waxay si qoto dheer u falan-qeeyeen  xidiidhka jaarnimo iyo dawladnimo iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wax wada qabsi ee labada qaran.
Kulankaa waxa dhinaca  Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada Ethiopia ku wehelinayey, Chief of Cabinet ka Wasaarada Arrimaha Dibada Mudane Mulugeta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada. Solomon.halka dhianca Somaliland-na waxa labada Wasiir ee Arrimaha dibadda iyo Gudaha wehelinayay Ku-simaha Safaarada ahna Safiir ku xigeenka safaarada Somaliland  ee Itoobiya Mudane Ayaanle Salaad Diiriye.
 
 
Geesta kalena Weftiga Wasiirrada Somaliland ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii   ay ciidammadda qaranka Somaliland ay dhirbaaxo  taariikhi ah   ku dhufteen, kooxda khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali-Khaliif Galaydh,iyadoo  Mr. Galaydh uu u firxaday dhinaca xadka Somaliland la wadaagto Itoobiya, gaar ahaan deegaanka la yidhaahdo Docmo.
Warar aanu helay kulanka Wasiirrada Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay in dawladda Somaliland ay Itoobiya ka dalbatay  in aan shakhsiyaadka kooxaha nabad diidka ah ee Somaliland doonaya inay xaalad nabad-gelyo darro ka abuuraan aanay u soo gudbin xuduuda Itoobiya.maadama oo labada wadan uu ka dhaxeeyo cilaaqaad saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi.
 
 
Sidoo kalena Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya, James P. McAnulty, ergayga Qaramada Midoobay Somaliland/Somalia, Nicholas Kay iyo safiirka Midowga Yurub ee Somaliland/Somalia, Michel Cervoned’Urso,  ayaa shalay soo saaray war-saxaafadeed ay xaqiiqda indhaha kaga qarsanayaan oo ay Somaliland ugu baaqeen inay kala baxdo ciidammadeeda  la wareegay tuuladda Saax-dheer ee gobolka Sool.
 
Baaqani umuu qalmin inuu ka soo baxo masuuliyiin ka tirsan dawladaha waaweyn iyo Ururadda caalamiga ah labadaba, bal aan eegno ducfiga ka muuqday war-saxaafadeedkaas .“Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah looga saaro ciidamada hubaysan deegaanka Saaxdheer iyo in si dhaqso ah loo daayo maxaabiista la hayso. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan qaybaha inay ka waantoobaan rabshado iyo inay sameeyaan dadaal wadajir ah si loo dajiyo xaaladda, looguna xalliyo,”ayay yidhaahdeen Safiirradaasi.
 
 
 
Dhinaca kalena, Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa ku fashilantay inay jawaab waafiya ka bixiso hadalada deel-qaafka ah ee ka soo yeedhay beesha caalamka,  iyadoo marka uu Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis uu  maqan yahay aanu jirin masuul kale oo ka hadli kara waajibaadka wasaaradda arrimaha dibadda, iyadoo wasaaraddu isu bedashay wasaarad hal qof ku dhisan.
Waxa aan noo suurto-gelin inaanu khadka Telefoonka ku helno Wasiirka Arrimaha dibadda oo ku sugan Itoobiya, ka dib markii uu dhawr jeer oo aanu garaacnay Telefoonkiisa gacanta uu naga qaban waayay xalay. Sidoo kale waxaan isna  Telefoonka naga qaadi waayay Wasiir Ku xigeenka  wasaaradda Arrimaha dibadda Mawliid Maxamuud Ibraahim, halka Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Maxamed Xasan oo isagana aanu la hadalnay ayaa noo sheegay in aanay arrintaasi wasaaradu ka hadli Karin oo loo xil saaray Guddi Wasiirro ah oo aanu faahfaahin kuwa ay yihiin.
 
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku fashilantay inay beesha caalamka dhacsiiso in tuuladda Saax-dheer tahay dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.lama garanayo sababta ay masuuliyiinta wasaaradaasi afka uga xidheen bayaanka ka soo yeedhay saddexdaas danjire.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply