Murashaxa C/Rashiid Xasan Mataan Wuxuu Sheegay Hadal Sumcad xumo ku ah Xisbigayaga UCID

0
565

Murrasaxa Madaxweyne Ku xigeenka xisbiga UCID  C/Rashiid Xasan Mataan, ayaa Sabtidii todobaadkan ka soo degay madaarka Hargeysa, isagoo ka soo yimid qurbaha, waxa uu madaarka Hargeysa ku qabtay shir jaraa’id, waxa uu ku hadlay wax magaca xisbigayaga UCID bahdil siyaasadeed ku ah oo aanu aad ula yaabnay.
 
Waxa murrashaxa Madaxweyne Ku xigeenku ay ahayd inuu dadka xisbiga iyo buslashada xog ogaal-sado oo uu u kuur-galo.waxaan ka naxnay markii uu yidhi dawladu waxay sheegtaa inay miisaaniyadii kordhisay oo laban laabtay, haddana waxa jira wasaarado aan sagaal bilood mushaharkii qaadan. Arrintaasi waxay nagu noqotay waji-gabax iyo wax xisbiga u soo jiidaya sumcad xumo.
Waa fool xumo aad u weyn masuul mucaarid ah oo xukuumadda u jeedinaya eedaymo been ah oo dib ugu soo noqonaya isaga, waa sababta loo yidhi “Hadalku wuxuu ammaanadaada yahay inta uu uurkaaga ku jiro”.Aan sida kale u dhaliilno dawladda Siilaanyo, laakiin marnaba kuma dhaliili karno mushaharkii  ayay siin weyday shaqaalaha. Afartii sanno ee u dambeeyay shaqaalaha dawladu waxay mushaharka qaataan 25-ka bisha, mana jirto mushahar ka habsaama shaqaalaha dawlada iyo ciidammada.
Markaa  waxaan jecel nahay in aanay arrintaasi nagu tahay xisbi mucaarid ahaan beentii u weynayd ee abid ka soo yeedha masuul ka tirsan xisbigayaga, shacbiguna nagama yeelayo taasi oo wax ogaal ayay u yihiin.
Waxa kale oo Aqoon-yahan C/Rashiid Xasan Mataan weeraray Golaha Guurtida oo ah mid ka mid ah ha’yadaha dastuuriga ah ee dadweynuhu mahadiyeen. Sidaas darteed, haddii aan Hoggaanka xisbigayagu raali-gelin ka bixin hadalkan waxay noqonaysaa fadeexad siyaasadeed oo mustaqbalka dadweynuhu ma rumaysanayaan eedaymaha runta ah, maadaama oo wax jira uu masuulkani ka been sheegay.
 
Maxamed-amiin Cumar Cabdi
Hargeysa

Leave a Reply