Horumarinta Jidadku Waa Tubtii Horumarka oo Somaliland Cagta Saartay

0
634

Horumarka dalkeenu samaynayo waxa minqiyaas wanaagsan u ah dedaaladda aynu ugu jirno horumarinta waddooyinka wadanka, ayaa ah bidhaan wax ku ool ah oo muujinaysa mustaqbal wax ku ool ah oo dawladnimadeenu  cagta saartay tubtii aan dalkeedu ku dhismi lahaa.
Xarakaadkani waxa uu bilowday markii dawladda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka qabtay ee wakaaladdii horumarinta waddooyinkana la hoos geeyay Wasaaradda madaxtooyada oo uu Wasiir ka yahay Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ah nin dhalinyaro ah hase yeeshee leh aragti dheer, kana mid ah dadka Eebe hibadda u siiyay (hal-abuurnimada iyo ikhtiraaca). Waxaan xusuustaa markii dawladu ay u diyaar-garowday casriyaynta waddooyinka waxay dalka China ka soo iibsatay gaadiidkii lagu dhiso wadooyinka oo ay ka mid yihiin, Gaadiidka ciida qasa, cagafyada wadooyinka sima, kuwa jayga iyo ciida isku qasa iyo booyadaha biyaha u dhaamiya jidadka, gaadiidkaas waxay lacag adag xukuumadu kaga soo iibsatay wadanka China oo ka mid ah dalalka ku dac-faray ee lagu majeerto inay dhismaha jidadka loo daba fadhiisto.
Waxa intaasi xigay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu dhagax dhigay jidka dheer ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo dhererkiisu yahay 370km oo dawlad iyo dadweyneba laga wada shaqaynayo, waxaanay Wasiirka madaxtooyadda oo arrintan bud-dhig u ahi uu balan qaaday inuu dhamayn doono jidkan oo ahmiyad weyn u leh isku gudubka gobolada dalka isla markaana kor u soo qaadaya dhaqaalaha gobolka wadanka ugu weyn ee go’doonka ku jiray ee Sanaag.
 
Intaas wixii ka dambeeyay waxay wasaaradda madaxtooyada iyo wakaaladda horumarinta wadooyinka oo hoos timaadaa ay jideeyeen siyaasad wadooyinka dalka lagu dhisi karo oo ah in deegaankii toban Km oo laami ah samaystaba ay dawladu ku dari doonto 5km oo ay iyadu maal-gelinayso. Arrintaasina waxay kor u qaaday hamadii dadweynaha  u oomanaa inay waddooyinka dhistaan.
Sidaas darteed, waxaan dadweynaha ku guubaabinayaa inay joogteeyaan dedaalada wadooyinka dalka lagu horumarinayo iyagoo wadooyinka tabarucaadka ugu yaboohaya hadba siday u kala muhiimsan yihiin. Waxaan aaminsan nahay haddii saddex sano oo dambe aynu dedaalkaas aynu laasinno in wadankeenu yeelan doono wadooyin waaweyn  oo door shariif ah ka ciyaara horumarinta dhaqan dhaqaale ee JSL.
Waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay ka go’an tahay inuu dalkiisa raadad taariikheed oo wax-qabad kaga tago iyo wasiirka madaxtooyada oo ah masuul madaxweynaha ka kaalmaynaya sidii wadooyinku inoogu dhismi lahaayeen.
 
Ismaaciil Cabdilaahi Kayse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply