Kulan Lagu Dardargelinayo Tayada Shaqaalaha Dawladda Oo Loo qabtay Agaasimeyaasha Guud

0
495

Hargeysa, (Dawan)- Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa kulan u qabatay agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha dawladda, kaasoo ujeedadiisu ahayd sidii loo dardargelin lahaa shaqaale weynaha waaxyaha dawladda.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Nuux Sheekh Muuse Ducaale ayaa ka warbixiyay ujeedada kulankan, kaasoo ka qabsoomay xarunta hay’adda shaqaalaha, waxaanu yidhi “Ujeedada maanta (shalay) aynu madashan isugu nimi waxa ay tahay inaad nala wadaagtaan fikirkiina, sidii  dibu habayn iyo dardargelin loogu sameyn lahaa shaqaalaha kala duwan ee waaxyaha dawladda oo dhan, taasoo oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Somaliland sannadkii 2010-kii bishii August, intaasba way soo socotay, maantana waxa aynu madashan u fadhinaa sidii aynu u dardargelin lahayn  shaqaalaha, taasoo muddo badan laga soo shaqaynayay, haddana sidii aynu udoonaynay weli maynaan gaadhin, dibu habayntuna wax weligeed dhamaanaysa maaha, sidii aynu hore u soo sheegnayna waa wax weligii soconaya, lamana gaadhi karo guntiisana, laakiinse maalinba waxbaa kugu soo baxaya.” Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray inay sameeyeen, kulamo noocan oo kale ah, si guullo wax ku ool ah looga gaadho dardargelinta iyo tayeynta shaqaalaha wasaaraddaha kala gedisan ee dalka,  taasoo guddidii hore u jirtay lagu daray guddi wasiiro ah, kuwaasoo kala ah wasiirka arrimaha guddaha iyo wasiirka difaaca.

Dhinaca kale mar uu guddoomiyuhu  ka hadlayay sababta iyo ujeedada loogu soo daray labadaas wasiir  waxa ay tahay waxa uu yidhi “Ujeedada loogu soo daray labada wasiir waxa weeye inaanay noqon keliya guddidani dibu habaynta iyo dardargelinta ay samaynayso hay’adda shaqaalaha dawladda, balse in dawladdihi hoose lagu soo daro oo wasiirka arrimaha gudaha hoos imanaya.”

By: Khadar M. Xaashi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply