Nabadda iyo Horumarku Deyn Naguma aha, Dalkayaguna Ma Rahmana!!(Qayb. 1-aad)

0
543

Beesha Caalamka iyo UN-ta halka loo diray inay wax ka qabtaan oo ay ‘NABAD’ ka dhaliyaan waa SOOMAALIYA ee maaha JAM.SOMALILAND. Qaranka Guul-darraystay ee SOOMAALIYA, muddo ka badan 23 sano ayuu Beesha Caalamka iyo UN-taba u ahaa naas-irmaan oo aan gudhin oo ku darara macaluusha, dhiigga iyo dhagarta ragaadisay shacbiga masaankiinta ah ee kuwii ka nixi lahaa markay iyagii hilbahooda ka dhergeen, markii dambena u soo kaxaystay cadow aan ka naxayn oo wata magacyo iyo midabbo kala duwan. Beesha Caalamka iyo UN-tu maalintii ay Soomaaliya fara-galiyeen ayey Soomaaliya 800% (boqolkiiba siddeed boqol) ka nabad iyo deggenaanshaba babnayd halka ay maanta taagan tahay.
 
Waxaynu ku jirnaa Xilli ay si cad u muuqato Laba-Wajiilaynta Bulshada Caalamku. Waxaynu ku jirnaa Xilli la abaal-marinayo Qaran Guul-darraystay  oo qaaday koobka Qarammada Guul-darraystay, dalkaasoo muddo ka badan 23 sano tahli waayey inuu guto xilkii ka saarnaa ummaddiisaWaxay dunidu kool-koolinaysaa Qaran ku fashilmay inuu ka soo baxo waajibaadkii iyo masuuliyaddii kaga beegnayd bulshada caalamka dhinac kasta oo ay tahayba! Waqtigan Xaadirka damiirka Bulshada Caalamku wuxuu gaadhay in la isku abaal-mariyo Dawlad Xumada, Xasuuqa iyo Xad-gudubka Bini-aadamnimo, Colaadaha iyo Musu-maasuq xad-dhaaf ah.
 
Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku xaq-darro cad iyo gefba ka galayaan Qaran Guulaystay oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo Dawlad Wanaag, taasoo ay JSL ku sifowday muddo ka badan 23 sano!! Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku isdiidsiinayaan oo ay indhaha ka lalinayaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Geeska Afrika iyo rabitaanka ummadda JSL iyo xaqa ay u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka.
 
Markaynu u fiirsano ARRINTA SAAX-DHEER iyo TALEEX iyo hab-dhaqanka Beesha CaalamkaJAMSOMALILAND xaq bay u leedahay inay Nabadgelyadeeda iyo Xuduudeheedaba sugto, mana aha arrin ay u daba fadhiisanayso Beesha Caalamka iyo UN-ta midkoodna. Dhinaca kale, JSL waxay muddo ka badan 23 sano waddamada deriska ah iyo beesha kale ee caalamkaba kula noolayd nabadgelyo, degenaansho iyo xasilooni. JSL weligeed cid kumay duulin,  hal tallaabana kumay durkin xuduudo uu Dal dariskeeda ahi leeyahay. Dhawaaqa ka soo yeedhaya Beesha Caalamka iyo UN-tu waa mid xad-gudub iyo deel-qaafba ku aha Madaxbannaanida iyo Gooni-isu-taagga JAMSOMALILAND, balse maaha mid Shacabka iyo Dawladda Somaliland ka leexin kara xaqa Gooni-isutaag ee ay leeyihiin iyo masuuliyadda ka saaran suggidda ammaanka dalkooda.
 
Gumaysiga Cusub ee Dhaqan-Dhaqaale
Quwadaha Dunida ugu awoodda badan lihi waxay samaysteen Xeerar iyo ballamo iyaga u dhexeeya oo qarsoodi ah, kuwaasoo salka ku haya waxa waqtiga xaadirka loo yaqaanno ‘Habka Gumaysiga Cusub ee Dhaqan-Dhaqaale’. Waa qorshe qoto dheer oo ku wajahan sidii dib loogu gumaysan lahaa waddamada soo koraya ee loo yaqaanno Dunida 3-aad. Waa qorshe iyo isteraatijiyad aad u xeel dheer oo dano dhaqaale iyo kuwo nabadgelyoba ay saldhig u yihiin. Iyadoon wax dagaal ah oo hub iyo cudud milatari wadata aan lagu qaadin, isla markaana aan xuduudaha caalamiga ee ay waddamadaasi leeyihiinna lagu xad-gudbin, waa in waddamadaa laga dhigaa midiidin iyo  ma-maarmayaal mar walba gacanta lagu hayo oo ay madax-bannaanidooduna noqoto magac-u-yaal uun. Dalalka Dunida Saddexaadwaxa loogu tala galay in la dhaxalsiiyo oo ay ragaadiyaan SADDEXDAN ARRIMOOD:
 
1)     Caqli Gudhan: In Caqligoodu noqdo mid Gudhan oo aan si fiican u fikirin.
2)   Dhaqan Goblan ah: In Dhaqankoodu noqdo mid Goblan ah oo aan wax horumar ah samaynin.
W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| ||Birmingham, United Kingdom||
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply