Baaqii Maayarka Iyo Guddida Gobolka Sanaag Ee dhismaha Jidka Ceerigaabo

0
505

Maayarka magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax, ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay door shariif ah ka qaataan dhismaha jidka Ceerigaabo oo uu tilmaamay inuu yahay jidka ugu dheer ee wadanka isla markaana door weyn ka qaadanaya horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur waxa uu sidaasi  xaflad toddobaadkan  lagu qabtay halka laga bilaabay dhimsha jidka Ceerigaabo oo ay Guddida qaadhaan ururinta jidkaasi ay deeq lacageed oo wadarteedu dhamayd $6695 oo 2400 oo ka mid ah ay ku deeqeen ururka haweenka gobolka Sanaag halka $2295 ay ku deeqeen hablo reer Somaliland ah oo degan Australia.
Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka hadlayay jidka Ceerigaabo iyo sida xawliga ah ee uu  ku bilowday wuxuu yidhi “Waxaanu taagan nahay Km 10 oo imika gabo-gabo maraya muddo badana waxa la lahaa wadadani ma bilaabmayso oo dad badan baa sheekadaas waday, waxaasi way soo beenoobeen, waxaan leeyahay shacbiga Somaliland gaar ahaan shacbiga reer Sanaag waad aragtaan wadadii siday u socoto iyo qalabkii lagu dhisayay oo u dhamaystiran-ba. Waxaan guud ahaan ummadda reer Somaliland waxaanu ka codsanaynaa inay jidkaasi u kacaan oo ay hantidoodana u  huraan. Waxaan iyaga gaar ahaan ula hadlayaa  qurbo jooga reer Sanaag waxaan leeyahay anigu weftigii London tagay ayaan ka mid ahaa balan ayaynu soo galnay sidaas darteed lacagtii aad soo balan-qaadeen waa la idinka sugayaa.”
“Waxaan si gaar ah ugu mahad-naqayaa hablaha UK oo aan la kulmay, waxaan leeyahay ragga way ka firfircoonaayeene’  waa la idin sugayaa,”ayuu yidhi Maayarka Ceerigaabo, waxaanu u mahad naqay hablo reer Somaliland ah oo degan dalka Australia oo ku soo hagaajiyay lacagtaasi waxaanu tilmaamay in halkii ay ugu tallo-galeen  uu ku wareejiyay guddida qaadhaan ururinta jidka Ceerigaabo ee gobolka Sanaag,”ayuu intaas raaciyay Maayarku.
 
Guddoomiye Ku xigeenka Guddida qaadhaan u ururinta Jidka Ceerigaabo  Siciid Barre Qoorwaa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu u mahad naqayo ururka haweenka gobolka Sanaag iyo hablo reer Australia ah ee lacagta soo gaadh siiyay, waxaanu tilmaamay in cidii ka qeyb qaadata jidkaasi ay if iyo aakhraba ILAAHAY ka abaal marin doono.
Siciid Barre Qoorwaa waxa uu qolqol joogta iyo qurbo jooga reer  Sanaag ugu baaqay inay xil iyo masuuliyad dheeraad ah oo laba jibaar ka badan kaalinta muwaadiniinta kale ay ka qaataan jidka Ceerigaabo.
Waxaan ku soo khatimaynaa qormaddan suugaan ay iyadoo aad u faraxsanayd jeedisay mid ka mid ah hablaha reer Ceerigaabo oo ahayd:
 
“Dawgii cadaa ee aad ogayd
Laami Lagu Duugye
Salaxley Waxay diyaar u tahay
Kaama daahsane’
Oodweyne Dabayaaqadii
waa tan loo degaye
Bali-gubadle waxay doonayaan
Waa dariiq dhaba ahe’
Dawgii Hargeysiyo Berbera
Yaabtay  Dunidiiye’e
Intaan Dawladeey wax qabo
Hadal Ku Daalayno
Oo waxay dad kale noo qabtaan
Damucu noo sheegay
Ama danteenaba aynu ku lumin
Hay’ad daba joogso
Bulshooy inaan dareen yeelanaa
Waa wax noo danahe’
Dowgaa wixii yaaloo
 aad doc Uga tuurtaaba
Dariiq aan wada dhisnaa
Bulshooy kaaga sii darane’
Waa derajo weyn
oo  Daayin kuu qoraye
ducada iyo aamintiyo
qaata derajooyin”
 
Haddaba Muwaadin  Haddii aad jeceshahay inaad ka qeyb qaadato horumarinta jidkaas waxaad Tabarucaadkaaga  ku diri kartaa  Baanka Somaliland 755, DAHABSHIIL HRGD37305, SALAAM  60078770, ZAAD 4366600
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply