Wefti Uu Hogaaminayay Wasiirka Beeraha Oo Kormeer Ku Tegay Mashruuca Beeraha Ee Banka Wajaale

0
475

Gabiley(Dawan): Wasiirka Waasarada Beeraha Somaliland  Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole),  oo ay wehiliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha,  Iskuduwaha Wasaarada Beeraha  ee gobolka Gabiley,  Taliyaha Ciidanka Qaranka gobolka Gabiley iyo Waliba Taliyaha Ciidanka ee Mashruuca Banka Wajale ayaa  shalay  kormeer  Ku tegay Mashruuca Beeraha ee Banka Wajale.
U jeedadda kormeerkaasi ayaa la Xidhiidhay  u kuur-gelida  sida ugu haboon ee  Guri Karo Midhaha iyo Saraca bislaaday ee  ka soo baxay   Mashruucan beeraha ee Banka Wajaale iyo Sidoo kale sida loo balaadhin karo beerahaasi, isla markaana wax-soo saar  ku filnaan kara shacabka reer Somaliland looga dhigi lahaa.
Wasiirka Wasarada Beeraha  Faarax  Cilmi Geedoole,  ayaa ku tilmaamay   u jeedadda socdaalka ay ku tegeen mashruuca Banka  Wajaale in uu la xidhiidha  qiimayn ay doonayeen  in ay ku soo sameeyaan halka uu marayo wax-soo saarka beerahas ee Banka Wajaale.  Isaga oo mahad naq  u   Jeediyay Xukumadda Somaliland oo uu ku amaanay   in ay si weyn isku garab taagtay in uu mashruucani fulo.
Faarax Geedoole, waxa uu sheegay  in  ay  dhul aad u baaxad weyn  wax ka beereen, isla markaana ay dalagaydda kala duwan  ka beereen mashruuca Banka Wajaalle, kuwaasi oo   hadda soo go’een noocyo  kala gedisan oo ka mid ah dalagyadaasi. Waxaanu yidhi “Dalagyadda aanu halkan ka beernay waa dalagyo aad u farro badan, oo kala gedisan,  saacadaha  la qodayna waxay gaadhayaan ilaa  laba kun iyo dhawr boqol oo saacadood,  dalagyadda la beeray waa dalagyo aynu doonayno in   dadka reer Somaliland ay caado ka dhigtaan, haddii aan soo qaato waxyaabaha ugu muhiimsan ee aanu halkan ka beernay waxay isugu jiraan Gellay, Sareen, Heed, Dukhur, Qamadin iyo   Bariis, kuwaasi oo ah inta la isku yidhaahdo dalagyadda cuntadda, waana isku nooc, waxa kale oo aanu halkan ka beernay  noocyadda kala duwan ee Digirta, ee ay ka midka tahay  Digirta Cas, Faasooliyaha Cad, San-buukadda  doogadda ah iyo Fuulka ama  faasooliyaha waa weyn, dalagyo kala duwan ayaanu  halkan ka beernay, kuwaasi hada dhamaantoodba bislaada”.
Agaasimaha Guud ee Wasarada Beeraha    C/laahi Ismaaciil Faarax,    oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyadda uu wax-soo saarka mashruucani u leeyahay dalka iyo baahida weyn ee  ay bulshadu u qabto in ay helaan wax-soo saar dalkooda ka baxay.
Waxaanu ka waramay u jeedadda kormeerka ay ku tegeen mashruuca beeraha ee Banka Wajaale, waxaanu yidhi “U Jeedadda  kormeerka weftigan uu wasiirka Beeruhu hogaaminayaa ay halkan u yimaadeen waxay tahay  in aanu  ku ogaano wakhtiga aynu bilaabayno  guridda midhaha bislaaday, ee ay ka midka yihiin Digirta, Bariiska, Gellayda, Hadhuudhka iyo dhamaanba wixii kale ee sarac ah ee bislaaday”.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Qaranka gobolka Gabiley Cabdi C/lahi, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa caiidamadda qaranka ee degan banka Wajaale ku amaanay ilaalinta mashruucaasi.
Axmed Daa`uud Ibraahin, oo ah  Taliyaha Ciidanka Mashruuca Banka Wajale  ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay ilaaliyaan tabaca iyo wax-soo saarka beeraha ee ay ka midho dhalisay wasaaradda Beeruhu.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply