“Ciidanka Qaranku Dalkiisa Ayuu Joogaa, Galaydh-na Wada Hadal hala Yeesho Somaliland”

0
434

Hargaysa(DAWAN)-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Dr.  Cali Yuusuf Axmed, ayaa  u soo jeediyay  Cali Khaliif Galaydh inuu nabad-gelyo la qaato Somaliland oo wixii uu tabanayana wada hadal lagu furdaamiyo. Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qatay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa, waxaanu yidhi  “Saax-Dheer waa mandaqad ka mid ah dhulka Somaliland shacabka joogaana waa dadkii Somaliland. Waxaanu ka xumahay dhalinyarro uu khalday Cali Khaliif Galaydh oo si khalad ah wax loo fahamsiiyay laakiin shacabka intiisa badani waa dad Somaliland ah,  waa dadkii u soo halgamay.”  “Cali Khaliif qudhiisu markii Somaliland Xornimadeeda dib ula soo noqotay shirkii Burco wuu  joogay, Shirkii Booramana wuu joogay,Waanan ka xumahay Inuu Cali Khaliif Galaydh kolba uu dhinac u baydho oo dariiqii saxda ahaa ka leexdo, isagana waxaanu ugu baaqaynaa inuu Somaliland u soo noqdo oo dadkiisa dhinaca ka raaco,”ayuu yidhi Dr. Cali Yuusuf Axmed, waxaanu intaas ku kabay  “Bulshada Saax-dheerna wixii tabasho ee ay qabaanna dawladda Somaliland diyaar ayay u tahay in ay waxa ka qabato horena waa looga qabtay imikana waa laga qabanayaa. Laas-canood cidii tagtay ayaa tagtee intii xukuumada Somaliland joogtay waxa aad u fara badan ayaa laga qabtay.” Guddoomiye Cali Yuusuf waxa uu sheegay in Somaliland aanay ku xad-gudbin dalalka ay xuduudaha wadaagaan, hase yeeshee  ay difaacayso soohdimaheeda mucayinka ah, waxaanu yidhi  “Baaqyada kala duwan ee beesha caalamka, Somaliland illaa intii uu yimid Ingiriisku 1884kii waa muddo aad u badan oo illaa 150 sano ku dhaw. Xuduudkeeda waa la yaqaanay,Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa jeexay xuduuda Somaliland waa mid sugan oo la yaqaano,ururka Afrika baryihii uu abuurmay ee shirka Qaahira loogu qabtay waxa lagu heshiiyay in dal walba xuduudiisu tahay halkii isticmaarkii gumaysan jiray u jeexa,Somaliland halkii uu u jeexay Ingiriisku ayay ku taagan tahay wali. Dalal badan ayaynu xuduud  la leenahay bad iyo berriba wali hal taako ku maynaan durkin.” Dr. Cali Yuusuf Axmed waxa uu xusay inaanay Somaliland dhulkeeda u daba fadhiisanayn Beesha caalamka,waxaana uu cadeeyay inaan ciidanka laga soo saarayn Deegaanka Saax-dheer waxaanu  yidhi, “Dhulkeenna Somaliland cid aanu u daba fadhiisanayno haba yaratee ma jirto, ciidanka Somaliland dhulkooda ayuu ku jiraa, waana uu difaaci doonaa, cid tidhaahda ciidan dhulkiisa jooga ha ka baxo waa gar-darro. Ciidanka meel kasta oo uu tagana waxa uu ku tagaa amarka madaxwaynaha Somaliland. Beesha caalamkana waxaan u  soo jeedin lahaa in ay Somaliland raali gelin ka  siiyaan,ileyn way ku gafeen’e.”
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply