Qeybaha Dhismay Ee Jidka Ceerigaabo Oo La Soo Bandhigay

0
519

Hargeysa (DAWAN)-Wakaaladda Horumarinta waddooyinka Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in qorshihii wejiga koowaad ee dhismaha Jidka Ceerigaabo  uu ugu hirgalay sidii loogu tallo-galay iyadoo afartii dhinac ee laga bilaabay intoodii badnayd ay gabo-gabo ku dhow yihiin isla markaana ay doonayaan inay darsayaan sidii ay ugu gudbi lahaayeen wajigii labaad. Mid ka mid ah muhindisiinta ka shaqeynaya jidka Ceerigaabo oo la yidhaahdo Cabdilaahi Sh. Cabdisalaan Sh. Cali Jawhar, ayaa halka jidkaasi marayo waxa uu ka faahfaahiyay  mar ay Gudida qaadhaan ururinta jidka gobolka Sanaag ay lacago kala duwan ka guddoomeen  ururka Haweenka gobolka Sanaag oo bixiyay lacag dhan $2400  iyo $4295 oo ay hablo reer Somaliland ah oo degan dalka Australia ku soo hagaajiyeen Maayarka Ceerigaabo.
ayaa sheegay in afartii meelood ee laga bilaabay jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo uu sidii loogu qorsheeyay u fuliyay. Enjineer Cabdilaahi waxa uu sharaxayaa  halka xiligan jidkaasi marayo iyo qorsheyaasha ay fulinayaan  toddobaadyada soo socda , isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa Farxad weyn noo ah halkan aynu joogaa waa  KM 9+450, Km 10 daboyaqadiisii ayaanu maraynaa wadadu waxay u socotaa dhismaheedu sidii loogu tallo-galay, jaygii wuu na soo gaadhay karasharadii waxay noo yaalaan imika Berbera oo laba karashar ayaa yaalla. Tobankii Km ee kale sahamintoodii  (survey)-goodii ayaannu hadda ku jirnaa oo Km 20 ayaa imika noo astaysan, todobaadkan waxaanu bilaabaynaa inaanu cadeyno (clearance)-kii, dhinacaas aan ka sheekaynayaa waa Ceerigaabo.” “Xagga ina Af-madoobe ee Burco oo wadada iyana qeyb laga soo bilaabay iyadana 10-kii Km imika waa gabo-gabo. Dhinaca Ceel afweyn iyaguna 5-tii Km imika waa gabo-gabo oo 500m ayaa u hadhay. Dhinaca Gar-adag waxa imika socota goyntii dhinaca degmadda Gar-adag waxay u badan tahay boholihii ugu adkaa, iyada inta aan waxba la dhigin go’yn uun baa laga wadayaa jiidaas. Markaas shaqadu si wanaagsan ayay u socotaa waxaad moodaa dhinac walba hawshii hore loo qorsheeyay inay dhammaatay  markaa waxa loo gudbayaa qorshihii labaad oo ah sodonka KM  iyo 40km ahaa ayaa loo gudbayaa,”ayuu yidhi Eng.  Cabdilaahi Sh. Cabdisalaan Sh. Cali Jawhar. Dadweynaha ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa ku diirsaday hanaanka uu u socdo jidka Ceerigaabo, waxaanay ammaaneen wakaaladda wadooyinka Somaliland oo fulinaysa dhismaha jidkaas. Waxaanay rayul caamka bulshadu qabaan  in xukuumaddoodu u hawl gashay sidii ay go’doonka looga saari lahaa gobolka Sanaag. Iyagoo ammaan balaadhan u jeediyay Wasiirka madaxtooyadda oo ay sheegeen inuu ficil u rogayo himiladii madaxweyne Siilaanyo oo ah in la casriyeeyo jidadka wadanka iyadoo lagu xisaabtamayo haynteena oo shacbi iyo xukuumadba gacmaha isku qabsanayaan sidii loo hirgelin lahaa wadadaas halbowlaha ah.
 
Jidka Ceerigaabo waa mashruuca ugu weyn ee Somaliland ika socda iyadoo aanay beesha caalamku shilin ku darsan, waxaana wada jir ugu guntan xukuumadda iyo shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba.
Haddaba Muwaadin  Haddii aad jeceshahay inaad ka qeyb qaadato horumarinta jidkaas waxaad Tabarucaadkaaga  ku diri kartaa  Baanka Somaliland 755, DAHABSHIIL HRGD37305, SALAAM  60078770, ZAAD 4366600
By: Cali Caano-dhame
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply