Roobabkii Maansheeyay Hargeysa OO Kashifay Guul-darrada Golihii Deegaanka Ee Shacbigu Cugtay

0
427

Hargeysa(DAWAN)-Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa ku fashilantay inay wax ka qabato khashinka buux dhaafiyay  shaaricyada caasimadda iyo inay dayactirto wadooyinka oo ay waxyeelo  soo gaadhsiiyeen roobabkii labadii maalmood ee u dambeeyay  ka da’ay Hargeysa.
Waxaanay u muuqataa dawlada hoose ee Hargeysa inay ku guul-daraysatay horumarinta bilicda caasimadda  iyo xakamaynta xashiishka  tuulan  jidadka wadnaha magaaladda iyo sidoo kale  in ay dib u habayn ku samayso jidadka iyo buundooyinka duuga ah ee ay roobabku qaadeen ama ay dhaawaceen.
Waxaanay golaha deegaanka Hargeysa hoggaankiisu wax ka qabashada shaqadii ay bulshada uga masuulka ahaayeen kaga mashquuleen waxyaabo aan shaqadooda ahayn,  sida safarro dalxiis ah oo  ay dalalka dibadaha si is daba jooga ah ugu taagaan.
Shacbiga caasimadda ayaa isku raacsan in Maamulka Golaha deegaanka Caasimadu noqonayo maamulkii ugu wax-qabadka yaraa uguna waayo-arragnimo hooseeyay taasina ay sababtay in meeqaamkii iyo kalsoonidii bulshadu ku qabtay Golaha deegaanka ee la doortay uu gaadhay mustawihii u hooseeyay.
Inkasta oo mudooyinkan dambe ay wadooyin yar yar oo dhawr ah ka hirgeliyeen degmooyinka iyo xaafadaha caasimadda, haddana taasi ma aha mid gaashaan uga noqon kara karti darrada iyo khibrad yaraanta haysata labada masuul ee iskaga sareeyay maamulka D/Hoose ee Hargeysa.
 
 
Roobabkii maalintii Isniintii iyo Salaasadii shalay  gelinkii dambe ka da’ay caasimadda Hargeysa iyo kuwii maalmihii ka horeeyay sida is-daba jooga ah u da’ayay ayaa dhibaatooyin soo gaadhsiiyay jidadka iyada oo ay burburiyeen daadadku wadooyin badan isla markaana ay daadadkii ka tageen dhagxaan, khashin isla markaana ay samaysmeen jeex jeexyo dhaawacaya jidadka sii burburaya ee Hargeysa, taasna waxa loo sibir-saarayaa shirkadaha dheef doonka ah ee Golaha deegaanku qandaraaska ku siiyeen hawsha qashin ururinta magaaladda.
 
Golaha deegaanka Hargeysa ma soo bandhigin tiro koobka khasaarihii ka dhashay roobkii labadii maalmood ee u dambeeyay maasheeyay magaaladda, kuwaasi oo khasaare u geysatay Guryo ay qoysas danyar ahi deganaayeen oo aanay Dawladda hoose waxba u qaban xataa baaqna ka soo saarin.
 
Geesta kalena halista ugu weyn ayaa ah meelihii biyo mareenadda ahaa iyo diriinayj-yadii magaaladda oo gabi-ahaanba xidhmay, ayaa dibada u soo saaray xil-gudasho la’aanta Golihii deegaanka ee la soo doortay.
Khatarta ugu xun ee bulshadda Hargeysa wadnaha farta kaga hayaan ayaa ah biraha laydhka ee roobabku soo ridaan oo halis ku haya nolosha mujtamaca reer Hargeysa, iyadoo D/Hoose ee Hargeysa ku guul-daraysatay inay tallaabo adag ka qaado shirkadaha laydhka shida ee magaaladda ka basrin waaya xadhkaha dabka xambaara ee sida qaabka daran magaaladda ugu xidhan, taasi oo halisteeda leh. Iyadoo ay hal bacaad lagu lisay noqotay baaqyo digniino ah oo Maayarka Caasimadda Hargeysa hore ugu jeediyay shirkadaha Laydhka oo uu balan-qaaday inuu tallaabo adag mudan doonaan haddii aanay habaynin waayiradooda dabaysan.
Sidoo kale dhibaataddani gaar ahaana xashiishka waxaa masuuliyadiisa qayb ka ah shacabka  oo iyagu marka ay khashinka  ka soo qaadaan guryahooda aan meelihii loogu tallogalay gaadhsiin.
 
Maxaa Horyaalla Dawladda Hoose ee Hargeysa
1. Waxaa looga baahan yahay in ay dayactirto wadooyinka ay roobabku burburiyeen.
2.  Inay wax ka qabato, ka gurto, kana hagaajiso xashiishka xidhay ililadihii biyo mareenka ahaa.
3.  Inay tallaabo ka qaado shirkadaha korontada ee sida qaab darada ah xadhkaha iyo   biraha laydhka ee halista ku ah.
By: Khadar C.Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply