“Maalin Walba Siyaasiyiin Ayaa ku Tiraaba Doorashooyinka Ayaa Dib Loo Dhigayaa, Xeerkiina Idinka Ayuu Idin Horyaalaa”

0
517

Hargaysa (Dawan): Wasiirka  madaxtooyadda ee  Somaliland Md. Xirsi Cali  Xaaji   Xasan, ayaa sheegay in xukuumaddu ay  diyaar u tahay, isla markaana ay ku dedaalayso  sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd diiwaan gelinta madaniga ah ee la filayo in ay dhawaan dalka ka dhacdo.
Waxaanu  tilmaamay  in ay xukuumadda talladda haysa ka go’an tahay  sidii ay dalka uga dhici lahaayeen doorashooyinku, isla markaana ay golaha Wakiiladda horyaalaan xeerarka diiwaan gelinta iyo ka doorashooyinka,   golahana  looga baahan yahay in ay ansixiyaan xeerarkaasi oo muhiimad weyn u leh dalka.
Xirsi Xaaji Cali Xasan,  waxa uu sidaas ka sheegay hadal uu  shalay ka jeediyay   golaha wakiilada oo uu horgeeyay xeer  nidaamyada kala xalanta awoodaha maamulka masuuliyiinta dawlada waxaana uu tilmaamay in xeerarka diiwaangalinta madaniga iyo codbixiyeyaasha ay yihiin muhiim isla markaana baahi loo qabo maadaama ay sal u yihiin  in qabashada doorashooyinka soo socda.
Wasiirka  oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxaan idinka codsanaynaa haddii aad tihiin golaha wakiiladda xeerarka idin horyaala ee aan idiin soo gudbinay ee xeerkani ka mid yahay xeerkan aadka u muhiimka ah ee xeerka diiwaangelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha, in  aad ka gudataan waajibaadkiina.  maadaama ay jirto baahi daruuri ah oo loo qabo.”
Dhinaca kale, Wasiirka madaxtooyadda ayaa dhaliilay xildhibaanadda ka tirsan aqalka wakiiladda ee ku eedeeya xukuumadda in ay dib u dhigayso doorashooyinka iyo diiwaan gelinta, kuwaasi oo uu sheegay in xeerarkii hawlahaasi fududayn lahaa ay golahooda weli hor yaalaan, waxaanu  ugu baaqay mudaneyaasha golaha wakiilada in ay ansixiyaan xeerarka diiwaangalinta  madaniga iyo cod bixiyeyaasha oo horyaala golahaasi.
“Waxaan dareemaynaa in maalin walba xildhibaano iyo siyaasiyiin ku tiraaba doorashooyinka ayaa dib loo dhigayaa, xeerkiina idinkuu  idin horyaalaa dhamaystirkiisa iyo  qabyo tirkiisu,   waana waajibaad dastuuriya oo aad leedihiin,  haddii aad  tihiin golaha wakiiladda, markaa  waxaan idinka codsanaynaa in aad noo soo gudbisaan kana gudataan waajibaadkiina.” Ayuu yidhi Md. Xirsi.
By: Khadar M.  Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply