Xukuumadda Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Hirgelinayaan Adeegii Boosaha

0
409

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta Somaliland mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa  shaaca ka qaaday in ay dhawaan dalka ka hirgelinayaan  adeegii Boosaha, kaasi  oo xiligan  baahi weyn loo qabo.iyada oo aanu muddo badan shaqaynin adeegaasi.
Waxaanu sheegay Md. Faysal in ay ka wasaarad ahaan dadaal dheer u galeen sidii ay u soo celin lahaayeen adeega Boosaha, iyaga oo la kaashanaya qaar ka mid ah shirkadaha is-gaadhsiinta, isaga oo tilmaamay  in Somaliland uu adeega Boostadu ka jiray  ka hor markii ay gobanimadeedda qaatay, hase yeeshee xiligan oo la marayo wakhti casri aanu adeegaasi ka jirin.
Faysal Cali Sheekh Maxamed,  Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta  waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay  siiyay wargeyska DAWAN. Waxa kale oo uu sheegay in ay  wadaan qorsheyaal ay ku horumarinayaan hawlaha ay wasaaradu masuulka ka tahay, si ay u noqoto wasaarad muhiim u ah qaranka.
Agaasimuhu isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxa noo qorshaysan dhawaan oo uu  ku tallo  galkayagu yahay in aanu soo celino adeegii  Boosta. Waxaanu ku tallo jirnaa wixii awoodayada  ah in aanu samayno, wasaaraduna  ay noqoto  wasaaradda ugu mihiimsan marka loo eego wasaaradaha kale. Waxa jira shirkado gaar loo leeyahay  oo iyaga  laftooda ka wada hadli doono sidii aanu u wada shaqeyn laheyn,  anagoo aan cabudhineyn shirkadaha gaarka loo leeyahay.”
Mar uu ka hadlaayay taariikhda dhinaca Boosaha ee Somliland waxa uu yidhi “1920-kii  ayaynu lahayn adeega Boostadda, maanta oo  aynu maryano 2014-kiina run ahaantii Boos shaqaysa ma lihin,  waxaana aynu ku dedaali doona inaynu Boos sameysano.”
Agaasimaha guud waxa kale oo uu ka hadlay xarun cusub oo loo dhisay wasaaradda Boosaha oo uu sheegay in ay dhawaan ku hawl gali doonaan. waxa kale oo uu sheegay in ay dhawaan keeni doonaan  qalab casri ah oo wax ka tari doona ilaalinta cashuuraha iyo isku xidhka shirkadaha telefoonada. “Dhismaha wasaaradani ku jirto waxa la dhisay sanadkii 1944-kii, meeshaasina mahaa meel lagu shaqeyn karo. Waxa noo hirgashay inaanu dhameystiro xarun aad u balaadhan oo ka kooban labaatan xafiis, kuwaas oo leh  waxyaabihi  looga baahnaa oo dhan. Waxa noo qorshaysan inaanu keeno qalab cusub oo dhinaca isgaadhsiinta wax lagaga qabanaayo, haday tahay cashuuraha  iyo haday tahay isku xidhkaba. markaa run ahaanti hawlahaasi way noo qorshaysan yihiin.” Ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda Boosaha.
Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa   dar-daaran u soo jeediyay shirkadaha is-gaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay, isaga oo tilmaamay in shirkadahaasi looga baahan yahay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan wasaaradda Boosaha. waxaanu yidhi “Hadaanu nahay  wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta waxaanu  leenahay shirkadaha gaarka loo leeyahay  aynu wada shaqeyno, maadaama hal bawlaha dhaqaalaheenu yahay isgaadhsiinta,   oo shaqaalaha ugu badanina ay ka shaqeeyaan shirkadaha isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay.”
By : Khadar Maxamed Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply