Wasiirka Biyaha Oo Ku Guubaabiyay Beelaha Barriga Saamiga Xukuumadda Kaga Maqan Nabad-gelyo Ku Raadsadaan

0
461

Hargeysa (Dawan):  Wasiirka  wasaarada Khayraadka Biyaha Somaliland Mudane Xuseen Axmed Cabdule,  ayaa  ku guubaabiyay   beelaha degga goboladda barriga dalka  in ay xukuumadda ka raadsadaan  saamigooda  xilalka iyo  jagooyinka laga siiyo, isla markaana ay si isku duubni ah u doontaan kuwa ka  maqan. Wasiir Cabdule, waxa uu sidaasi ka sheegay  hadal uu ka jeediyay  hadhimo sharafeed uu Salaasadii  magaaladda Hargaysa ugu  sameeyay  masuuliyiinta,  aqoonyahanadda, xildhibaanada baarlamaanka  kaga jira goboladda    Sool iyo Sanaag   iyo madaxda xilal kala duwan ka haya qaranka.Waxaanu wasiirku kula dar-daarmay masuuliyiintii halkaasi joogay in ay kulamadda noocaasi ah bad-sadaan siyaasiyiinta ka soo jeedda goboladaasi, isla markaana ay  dawladda ka raadsadaan xaqqa ay  ku leeyihiin. Wasiirka   khayraadka Biyaha, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan dhamaantiinba  kula dar-daarmayaa in aynu kulamada caynkan ah bad-sano,  oo Somaliland  waa  la inaga jecel yahay, oo  waxa  la inoo ogol yahay ee miiska saaran aynu qaadano,  oo waxa kale ee inaga maqanayn wado riixno,  oo inagoo isu duuban doonano.  Soomaalidu waxay tidhaahdaa  far kali ahi fool ma dhaqdo”. Masuuliyiintii uu wasiirka Biyuhu hadhimo sharafeedka u sameeyay oo aad u badnaa, waxa ka mid ahaa la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha goboladda bariga   Fu’aad  Aadan Cade, taliyaha ciidanka Asluubta sareeye Guuto Maxamed Faarax Xiirane,  badhasaabka gobolka Maroodi jeex, xildhibaano ka kala tirsan goleyaasha wakiiladda, guurtidda iyo masuuliyiin kale oo tiro badan. Sidoo kale masuuliyiintii iyo madaxdii goobtaasi  ka hadashay ayaa dhinacooda uga mahad celiyey  wasiirka khayraadka biyaha hadhimo sharafeedka uu u sameeyay.
By: Idiris M.Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply