Madaxtooyadda Oo Beenisay In Madaxweynuhu Xiligan Isku Shaandhayn Ku Samayno Golihiisa Wasiirrada

0
430

Hargaysa (Dawan): Afhayeenka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul,  ayaa daadafteeyay warar   lagu baahiyay  qaar ka mid ah warbaahinta oo ay ku sheegayeen in madaxweyne Siilaanyo isku shaandhayn ku samaynayo golihiisa wasiiradda.
Afhayeenka oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa  waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi sheegayay in madaxweynuhu uu daaran yahay isku shaandhayn uu ku sameeyo golihiisa wasaaradda. Waxaanu sheegay in awoodaha gaarka ah ee madaxweynaha ay  ka mid tahay in uu isku shaandhayn iyo xil qaadis ku samayn karo golihiisa wasiirada, hase yeeshee    wakhti xaadirkan aanay  jirin wax isku shaandhayna oo madaxweyne Siilaanyo uu samaynayo.
Axmed Saleebaan Dhuxul, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan yara iftiimiyo oo aan bayaamiyo arrin dhawaan ku soo noqnoqonaysay warbaahinta kala duwan, oo afartii bilood ee ugu danbeeyay aan ku arkayay  madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn samaynaya oo wasiir hebel ayaa halkaasaa  la gaynayaa iyo  wasiir hebel ayaa la eryayaa.”
Afhayeenku waxa uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo  isagu awood u leeyahay inuu waxna magacaabo waxna eryo. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland xaq waxa uu u leeyahay cida uu xilka ka qaadayo cida uu xilka u dhiibayo waxaana siiyay sharciga waaana awood  uu leeyahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, xaqaasi uu u leeyahay in uu wax badalo waxna uu eryo, goorta uu doono. Hase yeeshee waxaan cadaynayaa anigoo ku hadlaya afka madaxweynaha Somaliland wakhtigan in aanu jirin cid la eryayo ama isku shaandhayn samaynayo golaha wasiirada in aanu jirin haba yaraatee, waxa laga yaabaa in wararkaasi dad badan  werwer ku abuuraan waxa laga yaabaa in dad ujeedo kalihi in ay jiraan tiimkan madaxweynaha la shaqeeyaa waa qaar isku filan waa tiim madaxweynaha garab ku siinaya hawsha uu qabanayo, hawsha qarankana baylah tirkeeda looga baqan. Sidaasi darteed waxa isku shaandhayna ama eri ah oo haatan madaxweynaha Somaliland samaynayaa ma jirto” ayuu yidhi Md. Dhuxul.
By: Khadar M.  Dhako
Dawannews hargeysa office

Leave a Reply