Wakiiladda Oo La Horgeeyay Xeer nidaamiyaha Kala Xadaynta Awoodaha Masuuliyiinta Dawladda

0
513

Hargaysa (Dawan):  Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,  ayaa shalay  golaha wakiiladda  hor geeyay  xeer  nidaamiyaha  kala xadaynta awoodaha maamul ee masuuliyiinta  dawladda.
Fadhiga shalay  ee golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro), ayay xildhibaanadu warbixin kaga dhegaysteen Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan,  isaga oo wasiirku  faahfaahin ka siiyay golaha xeer nidaamiyaha  kala xadaynta awoodaha maamul ee masuuliyiinta  dawladda.
Wasiir Xirsi, ayaa  mudaneyaasha aqalka Wakiiladda uga warbixinayay xeerkaasi iyo sida uu u shaqaynayo.   Khudbadii Wasiirku ka jeediyay fadhigii Golaha wakiiladda waxa uu ku yidhi
 
“Xeerkani Wuxuu Iftiiminayaa, Maamul Wanaaga, Isku Xidhnaanta Iyo Wada Shaqaynta Ka Dhaxaysa Hay’adaha Xukuumada ee Kala Duwan”
 
Anigoo ixtiraamaya Wada-shaqaynta ka dhaxaysa Hay’adaha  Xukuumada iyo baarlamaanka isla markaana gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee tilmaamaya in wixii warbixin iyo xog-waraysi ah xubnaha wasiiradu siiyaan marka golahani uga baahdo
Hadaba, Madaxweynaha JSL isagoo Fulinaya Xilkiisa Dastuuriga ah Wuxuu Xooga Saaray Horumarinta Dalka iyo Hagaajinta Nidaamka Dawladnimo
Baahida Keentay Xeerkan:
in la hubiyo habsami u socodka maamul ama laga hortago kala daadsanaanta ku timaada shaqada iyo haybada dawladnimada iyo is-dul-fuulka xilka iyo waajibaadka isla markaana la xaqiijiyo in xilalka laysu raaciyey hab la maamuli karo oo ku dhisan xajmiga-shaqo, anigoo arintaa ka shidaal-qaadanayna waxaanu diyaarinay xeerka nidaamka xukuumadda oo xadidaya xilka, waajibaadka, awooda iyo shaqada hay’adaha dhexe ee fulinta isla m arkaana maamulaya laamaha dhexe ee xukuumada iyo Isku xidhkooda.
Hadii aan si kooban u sheego waxaa haykalka guud ee xukuumadu u qaybsamaa:
1- Hogaanka guud ee qaabaynta iyo jaangooynta siyaasada “ Policy and Dicisiion Makers”
2- Maamulka, maaraynta xafiisyada iyo shaqada xukuumada “Administaration of Public Service”
3- Adeeg bixinta bulshada “Direct Public Service Providers”
Ujeedada xeerkani waa: 
– Dadjinta sharci saldhig u ah aasaasidda hay’addaha xukuumadda dhexe
– Xaddidaada xilka, waajibaadka, awoodaha iyo shaqada hay’addaha xukuumada dhexe
– Kala xadaynta hawlaha iyo xi8lalka laamaha xukuumaddda dhexe iyo siku xidhkooda
– In la gaadho tayayn dhamaystiran oo la xidhiidha guud ahaan waxbqadka xukuumada
– In la xaqiijiyo habsami u socodka adeegyada bulshada
– In si cad loo iftiimiyo, lana dhaqan geliyo, xadka u dhexeeya xialalka maamul iyo siyasadeed ee haga, gaadhsiiyana adeegyadda aasaasiga ah qaybaheeda kala duwan ee bulshada
Mabaadi’da guud ee ku salaysanyahay xeerkani: 
1- Sida dastuurka tilmaamay in shareecadda islaamku sal u tahay xeerarka Somaliland
2- In Somaliland tahay dal dimquraadi ah
3- In ka sakow Illahay dadku leeyahay dawladnimada, dhammaan hay’addaha xukuudduna iyaga oo dadka ka wakiil ah fulinayaan awoodda xukuumadda si xeerarka waafaqsan
4- Ixtiraamka xuquuqda dadka iyo sharafta ruux walba
5- In shacabku leeyahay awoodda
6- In dawladaha hoose leeyihiin maamul hoosaad ku xadaysan deegankooda
7- In qaab-dhismeedka maamul ee dalku u qaybsamo , gobolo, degmooyin, tuulooyin, qaab-dhismeedka xukuumadduna u qaybsamo wasaaraddo, hay’addo, wakaalado, shirkado xukuumadu leedahay ama wax ku leedahay
8- Xaqa shacabka iyo ururad metelaa u leeyihiin ka qayb qaadashada qaabaynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada iyada oo xukuumaddu hirgelinayso xeerar iyio hanaan ay aga talo bixin karaan go’aan qaadashada saamaynta noloshooda iyo aayahooda
9- In awooddaha xeerku si cad u siiyey mid ka mid waaxaha xukuumadda la wareejin karin waax kale hadaan xeer jidayn
10- Dhismaha xukuumaddu wuxuu u jiraa dhawridda nafta, maalka iyo sharafta dadka iyada oo loogu adeegayo si siman oo aan kala doorasho lahayn
Ugu dambayn, 
– Xeerka nidaamka xukuumada, waxaa loo dejiyey si loo meel mariyo himilooyinka qaranka, ummad weynta Somaliland u mahadiso dawladnimadeeda.
– Xeerkani wuxuu iftiiminayaa, maamul wanaaga, isu xidhnaanta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha xukuumada ee kala duwan
– Xeerkani wuxuu soo bandhigayaa ugu yaraan Saddex qaybood oo maamulka xukuumadu ka kooban tahay isla markaana kala sareeya, oo mid walba leedahay Mabaadi iyo Xilal u gaar ah oo dhamaystiraya maamul wanaaga isla markaana adkaynaya tiirarka ay ku-taagan tahay qaranamidda Somaliland
 
1- Qaybta Jaanjooynta Muuqaalka Siyaasadda Xukuumada oo ka kooban:
A) Wasaaradaha: Wasaaraduhu waa hay’ada hoggaaminta ee ugu saraysa xukuumada Somaliland oo u xilsaaran dejinta siyaasadda guud ee Qaran, waana gulaha hal-abuurka siyaasadda Qaran had iyo jeerna ku haga dhamaan ummadda inay u hawlgasho xaqiijinta in wadanku qaado jid lagu gaadho nolol horumarsan oo ay aasaas u yihiin:-
– Nabagelyo sal-balaadhan oo ka duulaysa  difaacida dalka iyo dadka, cadowga gudaha iyo dibedaba iyo adkaynta nabadaynta bulshada dhexdeeda
– Ka Guurida summada qabiilka ee wax u dhimaysa wadaninimadda “Dadka waxaa ka dhexeeya waddanka ee qabiil kama dhexeeyo, dalka waxaa metela dawlada waxaana isku xidha maamulka
– Higsiga adkeegyo dhamaystiran oo dhawraya nolosha danyarta
Horumarin jaangooyo leh oo ku salaysan isku tashi, dhaqaale kobcin, hufnaan iyo sharaf dhawris
Waxaan idinka codsanaynaa in aad dedijisaan xeerarka aan idiin soo gudbinay ee idinla yaala oo uu uugu mudanyahay xeerka diiwaangelinta Madeniga iyo Codbixinta oo lagama maarmaan u ah dooraashooyinka Wa  Bilaahi Tawfiiq.”
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply