Ururka Daacish Oo Adduunku U Soo Warmo-Tumanayo (Qaybta 1aad )

0
607

Madaxweyne Barack Obama ayaa kooxda Daacish ku sheegay in la mid yahiin cudurka Kansar “cancer” ee aan tegin ilaa iyo inta laga dabar-jarayo. Hoggaanka Xisbullah, Xassan Nasrallah, ayaa isaguna ku tilmaamay “Bahalo Yahaabur ah”. Sidoo kale, Madaxweynaha Iiraan Xassan Rouxaani ayaa Dunida Islaamka uga baaqay in ay ka digtoonaadaan “Argagaxisadaa Baahalaha ah” ee cid kasta ku soo maqan. Xattaa Ururka Al Qaacida oo ay ka tirsanaayeen ayaa isaguna iska beri yeelay iyagoo ku eedeeyay falxumooyin ay ku xasuuqayaan maatada.
Muftiga Sacuudiga Shiikh Cabdulcasii Aala Shiikh ayaa farta ku fiiqay ururka Daacish in uu yahay “Cadowga 1aad ee Ummadda Islaamka”. Isla markaa, Sheekha Al-Azhar ee Masar ayaa ku dhawaaqay kooxda Daacish in aan loo nisbayn Karayn magaca Islaamka. Muftiga Masar Shiikh Shawki Ibraahim ayaa sheegay Daacish in uu dayro ka yahiin Islaamka iyo in loo aqoonsado “Qawlaysato ka soo fallaagoobay Al-Qaacida.” Dhammaan culimada Islaamka ayaa qurub xaaraan ah ka dhigay ururka Daacish.
Sidaa awgeed, Madaxweyne Obama waxaa uu amray taliska ciidamadiisa (Pentagon) in ay oodda ka soo qaadaan dayuuradaha sahanka si loogu kuur galo dhaqdhaqaaqa Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq. Maraykanku, dirirta Daacish waxaa uu la kaashanayaa Iiran, Suuriya iyo Xisbullah oo hore ay u ahaayeen col daahood go’ay. Aragtida xilligan shaqaynaysaa ayaa ah “dalna ma laha col ama saaxiib joogta ah balse dal kastaa waxaa uu leeyahay “Dan Joogta Ah.”
Si loo wiiqo Daacish, Ingiriis, Faransiis iyo guud ahaan dalaka Yurubta Galbeed ayaa iyaguna xaadhxaadhanaya halkii ay ka soo geli lahaayeen dagaalka. Sacuudigu waxaa uu u habar wacday xulufadiisa khaliijka iyo Masar. Isla markaana, Boqorku, waxaa uu 100 milyan oo Doollar ugu yaboohay Qaramada Midoobay si loo laayo Daacish.
Ka sokow in ay dagaal fool ka fool ah ku la jiraan ciidamada Ciraaq iyo Suuriya, kooxda Daacish waxaa ay dirir qadhaadh ku la jiraan maleeshiyada Shiicada Ciraaq, Suuriya iyo Libnaan. Waxaa kale oo ay la faltamayaan Ciidamada Xorta ah iyo Jabhadda Nusra ee Suuriya iyo Xisbullahiga Libnaan, Daacish waxaa ay Bariga Ciraaq kula legdamaysaa Isbahaysiga Maraykan iyo ciidamada Bashmarg ee Kurdiga. Intaa waxaa u dheer dagaalo goosgoos ah oo ay faraha isu la taageen ilaalada Kacaanka Iiraan oo u soo gurmaday in ay ka badbaadiyaan goobaha muqadiska ah ee Shiicada Ciraaq. Waxaa kale oo ururku soohdimaha Ciraaq ku la dirirayaan Turkiga, Sacuudiga iyo Urdun iyagoo haysta degaamo aan ka fogayn xuduudaha.
Haddaba, waa ayo ururka Daacish ee adduunku u soo garaacayso durbaanka dagaalka? Se marka hore waxaan is kor taagaynaa halka sartu ka qudhuntay iyo waxaa soo kiciyay ladhka iyo colaadda heer caalami ee ku soo aadan kooxdaas.
Maxaa Ladhka Soo Kiciyay?
Warbaahinta caalamka waxaa hadheeyay dhacdooyin bahalnimo oo loo aaneeyay Dawlad-ku-sheegga Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam ee loo yaqaano DAACISH (ISIL ama ISIS). Runtii, muddo sannad ah, adduunka waxaa ka shidnaa cajalado muujinaya falal argagax badan oo kooxdu ka fuliyeen Suuuriya iyo Ciraaq. Balse, hadal-hayntu waxaa ay aad u soo korodhay markii 19kii August gawrac labada dhegood loogu simay suxufi Maraykan ah, James Foley, inkastoo, xeeldheerayaal badan ay muuqaalka gawraca ku sheegeen mid samays ah.
Gawraca suxufigu waxaa uu soo kiciyay ladh aasnaa iyo colaad meelo faro badan laga rimanaa. Sidaa darteed hadalada is daba-joogga ah ee ka soo yeedhay Madaxweyne Obama waxaa loo arkaa Maraykanka in ay ka go’an tahay in uu faraha u la tago kooxdaas ila iyo inta laga dabar goynayo. Dagaalka Obama uu sida dadban u iclaamiyay ma aha mid cusub balse waxaa uu soo taxnaa tan iyo 8dii August markaas oo Maraykanku uu cirka ka duqeeyay kooxda Daacish si looga badbaadiyo beesha Yazidi ee Masiixiga ah oo ay dil, kufsi iyo boob ku moora duugeen. Ilaa 30,000 ayaa ka soo barakacay degaamada beeshaa oo dantu ku keliftay in ay ku hirteen buuro aan gaadiidku geli karayn. Duqaynta cirku waxaa kale oo ay salka ku haysay in kooxdaa laga furdaamiyo Biyo-xidheenka Mosul oo ay gacanta ku hayeen. Biyo-xidheenku waxaa uu yahay dhuunta nololeed ee si toos ah looga quudiyo dad malaayin gaadhaya. Ilaa hadda in ka badan boqol duullimaad ayuu Maraykanku la beegsaday Daacish. Waxaana laga furfuray faro-ku-hayntii biyo xidheenka Mosul inkastoo ay weli dhabarka ku sii hayaan.
Waa Maxay Xeeladaha Lagu Curyaamina Karo Daacish?
General Martin Dempsey, Guddomiyaha taliyayaasha ciidamada Maraykanka, waxaa uu tibaaxay, si loo jebiyo ciidamada Daacish in loo baahan yahay iskaashi milatari oo Maraykanku ku yeesho dhulka ay beelayadu ka aloosan tahay. Isaga oo arrintaa diiradda saaraya waxaa uu warbaahinta u sheegay in aan loo maaro helayn kooxda Daacish haddii, si mug leh, beelaha Sunnahu aanay dagaalka uga qayb qaadan.
“Ma dhici karto in laga adkaado Daacish haddii aan gacan-saar lala yeelan 20ka milyan ee Sunnaha ah ee degaankooda teedsan yahay Dimishiq (caasimadda Suuriya) ilaa Baqdaad (caasimadda Ciraaq),” ayuu ku tiraabay jananku.
Colaadda ragaaday ee ka dhex ooggan Sunnaha iyo Shiicada ayaa ciidamada Daacish u suurata gelisay in ay hal mar ka dagaalamaan dhowr dal. Ciidanka u jooga aagga Ciraaq oo lagu qiyaasay ilaa 3,000 waxaa uu jebiyay ciidankii qaranka oo tiradoodu kor u dhaaftay 900,000. Sida laga soo xigtay gaashaan-dhigga Maraykanka (Pentagon), hal dalool (300,000) ayaa weli ku sii baaqi ah ciidanka Ciraaq iyadoo labada dalool ee kale (600,000) ay isugu jiraan haraadigii Saddaam Xuseen oo aad loo takooray, kuwo fiqi tolkii kama janno tago ah oo u xagliyay beelaha Sunnaha ee iska caabinaya Al-Maaliki (raiisal-wasaarahii Ciraaq ee hadda xukunka laga fara maroojiyay). Isla markaa, ciidanka in badan oo kale ayaa ka cabanaya duruufaha nololeed iyo eexda ka dhex jirta maamulka.
Dalka Ciraaq waxaa ka ooggan colaad hubaysan taas oo muddo dheer xukuumaddii Nuur Al-Maaliki ay ku taamaysay in ay xoog ku muquuniso dadyowga Sunnaha kuwas oo iyaguna intii tamartooda ah kala hor tegay qori. Run ahaantii, Kooxda Daacish oo Sunnaha lagu tiriyo waxaa ay ka faa’iidaysteen dirirta sokeeye. Waxaana ay soo dhex-qaadeen degaanada Sunnaha. Sidaa darteed, waxaa u fududaatay in ay gacanta ku dhigaan inta badan bedka dalka Ciraaq. Waxaa ay shan farood iyo calaacal ku qabsadeen Mosul oo ah caasimadda labaad ee dalka halkaas oo ay ka furteen hub aad u tiro iyo tayo badan. Isla markaa, waxaa ay kaga hodmeen hanti laxaad leh oo ay ka fadhataysteen kaydkii baananka iyo ganacsatada Mosul.
Dhinaca kale, Suuriya iyadana waxaa adag sidii ay talo uga islaaxi lahayd. Halkaa waxaa ku faltamaya xukuumadda Bashaar Al Assad iyo xoogagga mucaaridka sida Ciidanka Xorta ah, Ururka Islaamiga ah ee Nusra (Al-Qaacida) iyo kooxda Daacish ama ISIS. Waxaa xusid mudan, dagaalkii mideeyay xoogagga mucaaridku in uu isu rogay heer ay iyagu isu dilaan heer aan waxba la isu hanbaynayn.
Runtii, faro-gelintu ma aha mid hawlyar marka aan ka warqabno argagaxa iyo baqdinta ay Daacish ku abuurtay dadka. Maydka la sii sido waxaa ugu danbeeyay Arbacdii la soo dhaafay markii ay magaalada Al Raqqa ee Suuriya ku gumaadeen ilaa 250 askari (maxaabiis ay ka qabsadeen xukuumadda). Waxaa adag sidii degaanku uu ugu babbac dhigi karo Daacish mar haddii laga wada dheragsan yahay cidhib-xumada iyo bahalnimada ay ku xasuuqaan cid kasta oo ay u arkaan in ay lid ku tahay. Ma muuqato xukuumad ama koox uu Maraykanku si dhab ugu tashan karo. Waxaaba ay u dhowdahay in ay dantu geyeysiiso iskaashi u la yeesho Bashaar Al Assad oo dagaaladii sokeeyay kurka ka gooyay ilaa (200,000) si uu u xejisto kursigiisa. Si kastaba ha ahaatee, sheekadu waxaa ay u eeg tahay mid ku socota odhaahda “cadowgaaga, cadowgiisu waa saaxiibkaa” taas oo Maraykanku cadowga dhabta ah uu u arko Daacish.
“Ma dhici kartaa in laga adkaado kooxda Daacish haddii aan la faro-gelin Suuriya?” Ayuu isweydiiyay General Martin Dempsey, Guddomiyaha taliyayaasha ciidamada Maraykan. Waxaana uu isugu warceliyay, “maya, maya taas la’aanteed waxba lama qaban karo.”
Ururka Dacish maxaa uu kaga duwan yahiin ururadii mintidka ahaa ee jiray? Waa maxay dhaqaalaha iyo hubka ay ku dagaalamayaan? La soco Qaybta 2aad ee “Waa Maxay Ururk Daacish Ee Adduunku U Soo Warmo-Tumanyo?
Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Ku la xidhiidhhorri@somalilandsun.com ama ku tixraac Twitter @horrimania
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply