Guddoomiye Cirro Muxuu ka Diidan Yahay Diiwaan-gelinta madaniga ah

0
564

Baqaha siyaasadeed iyo bisayl la’aan aanay jirin istaraatajiyad dheer oo xisbiga WADDANI leeyahay darteed, ayaa sabab u noqday in Guddoomiye Cirro uu sas ka qaado mashruuca qaran ee dadweynaha reer Somaliland lagu siinayo kaadhadhka Jinsiyadda, dedaalka uu geliyay qorshe  uu doonayo inuu ku dhiciseeyo diiwaan-gelinta madaniga ahi waxay soo dedejisay in bulsho badan oo laabta ka taageersanaa Guddoomiye Cirro iyo xisbigiisu ay candhuuftooda dib uga liqeen, una arkeen nin orod ku jira oo aan xaaleynayn inuu ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta  oo ay madax martay hammuunta uu u qabo inuu gaadho kursiga madaxtinimadda oo uu xisaab khaldan isu geygaystay  uu isa siiyay natiijada doorashada madaxtooyada oo uu doonayo in si hab-qan ah loo galo.
Guddoomiye Cirro oo shalay ka hadlay xaflad xisbigiisu ku qabsaday Huteelka Crown ee caasimadda Hargeysa ayuu si cad u bayaamiyay sida aanu raalida uga ahayn in diiwaan-gelinta madaniga oo uu u arko  inay tahay mid xukuumadda maanta jirtaa ku danaysanayso oo  doorashooyinkana dib u sii riixaysa.
“Ma Aqbalayno Diiwaan-gelinta madaniga ah ee xukuumaddu noo soo gudbisay waayo xeerkii hore kuma jirto, waa tallaabo mucaaridku ka siman yihiin oo doorashooyinka dib u sii dhigaya,’ayuu yidhi Guddoomiyaha  Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
 
 
Guddoomiyuhu waxa uu sida la sheegay  agaasimay   xarakaadyo badan oo uu ku dhaq-dhaqaajiyay Xildhibaanada xisbigiisa ee ku jira Golaha Wakiiladda, kuwaasi oo  markiiba bilaabay inay xod-xotaan xildhibaanada aqalkaas oo ay ka dalbadeen in goluhu u midoobo danihiisa oo ay tuuraan xeerka diiwaan-gelinta madaniga ah, oo ay ku talliyaan in doorashada Golaha wakiilada dib loo dhigo oo la soo horaysiiyo doorashada madaxtooyadda.
Xildhibaanada u idman Guddoomiye Cirro waxay Mudaneyaasha u balan-qaadayeen in Miisaaniyadda sanadka soo socda Golaha loo kordhin doono gunnooyinka, haddii ay ka gacan siiyaan Hindiseyaasha uu doonayo Guddoomiyuhu inuu  soo kala horaysiiyo doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyadda oo sida sharcigu dhigayo ay tahay in la soo horaysiiyo hadba tii horeysay.
Golaha Wakiiladdu ma laha awooda ah inay soo jeediyaan doorashada soo horaynaysa, waxa taasi ku xidhan tahay  in Axsaabta qaranka iyo xukuumaddu ka wada munaaqishoodaan oo ay meel isla dhigaan sidii dhacday Xiligii xukuumaddii Rayaale ee doorashadii Goleyaasha deegaanka  oo aad u kal-dhaaftay halkii laga geli lahaa, xisbiyadu isku waafaqeen in la soo qadimo doorashada madaxtooyadda.
 
Guddoomiyaha Wakiiladdu waxa marka loo kuur-galo hanaanka uu ugu jaho-weeraray doorashada uu sabab u noqon karaa in oleleyaashiisa habeenimo ee laga wado meelaha ka baxsan xafiisyadu ay horseedo inuu furfurto xeerarka doorashooyinka, si uu ugu saleeyo siyaasadda xisbigiisa, Natiijadda ka dhalantaana xaabo u noqoto  khilaafyo  waaweyn oo dib u dhigi kara doorashooyinka.
 
 
 
“Hore waxa Mucaaridku uga qaylinay jireen labada xubnood ee Guurtidu magacowdo, bal hadda fiiri labadii mucaaradku magacaabi jiray waxa ka taagan; ‘Fari tog-dheer ayey kula xushaa.’ Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI isaga ayaa xeerku siiyey inuu soo magacaabo xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka, isla markaana waa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee ansixinayaa xubintii uu soo magcaabay. Haye Maxaa kuu baxay boowee!!,”Sidaas waxa yidhi Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka hadlay kaalinta laba eefka ah ee uu Guddoomiye Cirro qaatay oo uu haddana ku joogsan la’yahay oo uu xukuumadda afka la dhacayo.
 
Si kastaba arrintu ha noqotee waa la arki doonaa sida Xildhibaanadda Golaha wakiiladdu ay iskaga xoreeyaan inay noqdaan kuwo u qafaalan Guddoomiyahooda oo doonaya inuu aqalka wakiiladda ku fushado danihiisa siyaasadeed iyo inay noqdaan kuwo waajibaadkooda u guta sidii ay qarankan ugu dhaarteen.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply