Qorshaha Laba Eefka Ee Guddoomiye Cirro Oo Mijo-xaabin Kara Doorashooyinka

0
523

Hargeysa (DAWAN)-Guddoomiyaha  Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa markii u horaysay daboolka ka qaaday inuu si weyn uga soo horjeedo xeerka diiwaan-gelinta madaniga ah oo muwaadiniinta dalka fursad u siinaya inay qaataan kaadhka jinsiyadda ee ay kaga soocmayaan ajanabiga dalka ku sugan ee ay suurto-gal tahay inay codeeyaan doorashooyinka haddii aan lagu xidhin kaadhka jinsiyadda oo qorshuhu yahay in marka diiwaan-gelintaas madaniga ah la dhamaystiro loo gudbo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha.
Guddoomiye C/Raxmaan Cirro waxa uu iska indho saabay xuquuqdaas dastuuriga ah ee qalabkii lagu fulinayay oo malaayiin dollar la soo siiyay-na wadanka la keenay isla markaana ray’ul-caamka bulshaddu ku sifeeyeen xuquuq muddo dheer ka maqnayd oo sunaha dimuqraadiyaddu waajibisay in lagu camal falo,  doc kale haddii laga eegana dhabada u sii xaadhaya xalaalnimadda doorashooyinka dalku u tabaabushaysanayo ee lagu wado inay wadanka ka qabsoonto badhtamaha sanadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka.
Xukuumadda Somaliland  oo maanka ku haysa ahmiyadda diiwaan-gelinta madaniga ah iyo ta codbixiyeyaashu u leeyihiin qarankan, waxay Gole-geysay  xeerka diiwaan gelinta madaniga ah iyo codbixiyeyaasha, waxaanay xukuumaddu Golaha wakiiladda ku goodisay inay waajibkooda ka qabsadaan oo ay dedejiyaan xeerarkan bud-dhiga u ah doorashooyinka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply