Saraakiil Milatari Oo Booqday Fadhiisimadda Ciidamadda Qaranka Ee Saax-dheer

0
471

Sax-dheer (Dawan): Taliyaha qaybta 31 ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gaashaanle dhexe Doolad Faarax Cawaale, ayaa shalay kormeer ku tagay fadhiisimadda ciidanka ee tuuladda  Saax-dheer ee gobolka Sool, halkaasi  oo dabayaqaadii toddobaadkii hore ciidanka qaranku  ay ka eryeen kooxda uu gadh-wadeenka u yahay dagaal ooge Cali Khaliif.
Gaashaanle dhexe Doolal oo warbaahinta  kula hadlay tuuladda Saax-dheer, ayaa  sheegay in  is-faham iyo wada shaqayn buuxdaa ay dhex martay  dadka ku dhaqan degaanka magaaladda Saax-dheer iyo ciidanka qaranka ee halkaasi dagan, waxana uu tilmaamay inay ka wadda shaqaynayaan ilaalinta nabadgalyada. “Kormeerkan aanu ka soo marnay deegaanka Saax-dheer,  waxaanu ku soo aragnay ciidankii  iyo dadkii deegaanka oo is-fahmay oo noloshiina wada adeeganaya, nabadgalyadana ka wada shaqaynaya” ayuu yidhi Gaashaanle dhexe Doolad.
Gaashaanle dhexe Doolad Faarax Cawaale,Taliyaha qaybta  31-aad  ee ciidanka qaranka, waxa kale oo uu intaasi ku daray in sidoo kale  ay ka wada ahdleen odayaasha iyo wax-garadka deegaanka Saax-dheer sidii amaanka loo ilaalin lahaa, isla markaana meel looga soo wada jeedsan lahaa kooxda nabad-diidka ah ee uu wato Cali Khaliif.
Waxaanu tilmaamay Gaashaanle dhexe Doolad, in Cali Galaydh iyo kooxdiisiiba ay ka  firxadeen  deegaanka Saax-dheer, isla markaana sida ay wararka ku heleen ay joogaan dhinaca Itoobiya.waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu ka wadda hadalnay odayaasha magaaladda Saalax-dheer xagga nabadgalyada sidii loo wada ilaalin lahaa, isla markaana meel looga soo wada jeedsan lahaa kooxda  Somaliland diidka ah ee uu wato  Cali Khaliif,  waxaanu  ka wada hadalnay odayaasha Saax-dheer  sidii  nabadgeliyo loogu wada noolaan lahaa deegaanka,  Cali Galaydh-na waxaanu maqalnay in uu oogo meel ilaa 18KM u jirta Saax-dheer,   oo dhinaca xuduudka Itoobiya ah”.
 
Taliyaha qaybta 31-aad,  waxa kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in magaaladda Saax-dheer ay xukuumadda Somaliland soo gaadhsiiso mucaawimo iyo in hay’adihii dawladu ay ka hawl-galaan,sidoo kalena horumar iyo wax-qabad laga hirgeliyo deegaankaasi.
 
waxana uu yidhi “Waxaa  loo baahan yahay in la soo gaadhsiiyo adeegii dawladda,  oo wax qabad la soo gaadhsiiyo dadka deegaankan ku nool,   oo raashin la soo gaadhsiiyo, dadkan dagan magaaladda Saax-dheer,   oo wax badan ayaa dhega hooda la galiyay,  oo Cali Khaliif  galiyee laga bedello,  oo maamul ka bedella oo dhaqaale kaga bedella,  oo wax-qabad kaga bedella ayay u baahan yihiin, marka horena  adeeg hagaagsan kumay haysan oo culays ayaa dul saarnaa.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply