Prof. Gees oo Su’aal Geliyay Kaalinta Guddoomiye Cirro Ee Dhismaha Komishanka Doorashooyinka

0
486

Dharaaro Xusuustood Qeybtii 31aad
‘To be or not to be that is the question’
‘Ahow iyo ha ahaan arrinku weeyaane’
William Shakespeare (Hamlet)
Macno maleh aduunyadu
Haddaan magac ka reebayn eh
Maxamuud Ismaaciil Qasim
William Shakespeare oo noolaa sannadihii (1564 –1616), waxa uu ahaa gabayaa Ingiriis ah oo Riwaayadaha alifa. Tuducan ayaan ka soo qaatay Riwaayaddiisa caanka ah ee la dheho Hamlet. Waxa riwaayadihiisa loo tarjumay 80 af oo dunida lagaga hadlo, balse weli af Soomali looma beddelin ilaa hadda waxa laga dhigaa Riwaayadahaas Adduunyada cidhifyadeeda oo dhan iyaga oo lagu masilayo afaf kala duwan oo dad midabo kala duwan ay jilayaan.
Cidina si sahlan u garanmayso madaxdii xukuumaysay Dalka England markii Shakespeare noolaa! Waar bal day akhristaw!! Guushu madaxnimo ma aha ee meelo kale ayey ku jirtaa. Boqol sanno ka dib cidina ma xasuusan doonto Madaxweyneyaashii soo maray Somaliland. Haseyeeshee, waxa la aqoon doonaa oo la akhrisan doonaa oo la dhegaysan doonaa Heesaha iyo Riwaayadaha ay curiyeeen Abwaanndu sida Axmed Saleebaan Bidde ee ay ka mid ahayd Ruwaayaddii la odhan jiray Wejiyaal is-xasuustaa; ee ay Heestani ee ay qaadaan Kinsi Xaaji Aadan iyo Cabdillaahi Cumar Xarago beydkeeda hore iyo kiisa u dembeeya oo ay ka mid ka ahayd;
Wejiyaal is-xasuustaa
Indho aan kala waaban
Laba aan isba waayin
Laba aan kala weecan
Wadnayaal is-jeclaada
Wadku daayo ayaamo
Aan wadeeco astaynin
Ma wadaagno xannaano
Innagaa isku wacnaynee
Maxaad iiga wareegtay?
——————————
Wiyishaa ubadkeeda
Waxa jooga adduunka
Iyadaa ula wanaagsan
Kolka waayuhu liicshee
Dani ay ka wadaaye
haddii aynu is-wayno
Walaac waa ku dilaaye
Waa wareegto adduunkiyo
haddii uu waqti keenay
Nin wax saarleh miyaan ahay? Kuwaas iyo qaar kale oo badan.
Dabayaaqadii sannadkii 2001 ayaa Marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u gudbiyey Golaha Wakiillada magacyada toddoba muwaadin oo uu ugu tallogalay inay noqdaan Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka (NEC), si Goluhu u ansixiyo. Shir-guddoonkii Golaha iyo Golihii ayaa wax-ka-beddel ku sameeyey soo-jeedintii Madaxweynaha, oo dhawr qoddob oo ka hadlaya Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka ku daray Xeerkii Doorashada ee Madaxweynaha iyo Golayaasha Deegaanka oo ay ka doodayeen, gacantana ku hayeen waqtigaas.
 
Awooddii Magacaabidda Guddiga Doorashooyinka ayay u kala qaybsheen sidan: Madaxweynaha (3 xubnood), Guurtida (2 Xubnood) iyo xisbiyada mucaaridka ah (2 xubnood), sidaasna ayey ku ansixiyeen. Marxuum Cigaal oo waqtigaa xannuun la daalaadhacay waa aqbalay. Guddigaas Qaranka ee Doorashooyinka waxa la ansixiyey horaantii sannadkii 2002.
 
Guddigaasi waxay ku guulaystay inay qabto saddex doorasho oo xor ah oo si nabadgelyo ah uga dhacay wadanka, kuwaas oo kala ahaa Doorashadii Golayaasha Degaanka (December 2002), Doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku–xigeenkiisa (April 2003), Doorashadii Golaha Wakiilada (September 2005).
Waxa muddadii xilkoodu dhammaaday horraantii 2007, waxa labadii Xisbi ee mucaardka ahaa (UCID iyo KULMIYE) iyo Madaxweyne Daahir Rayaale oo UDUB ahaa ay isla qaateen in Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka la kala diro oo mid cusub la soo magacaabo.
 
Markii hawshii fulinteedii la galay waxa soo baxay muran iyo iska horimaad gilgilay Dalkii oo dhan oo soconayey sannadkii 2007 oo dhan, ayaa Maxkamadda Sare la isla galay, arrintii waxbay kala furdaamisay; haddana halkii ayaa mar kale la iska hor yimi. Madaxtooyada oo dhan ah iyo Golaha Wakiillada oo xisbiyada Mucaaradka ihi ku xoog leeyihiin oo dhan. Golihii Guurtida oo isna daraf ka noqday murankii.
Waxa markaas soo dhexgalay arrintii Guddi Bulshada Rayidka ah oo ka kooban Abwaanno, borofasoorro, Wadaaddo caan ah iyo xubno Waxgaradka Bulshada ka mid ah. Guddigaas oo Guddoomiye u doortay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).
Waxa guddiga gacan siinayey oo taageero u fidiyey Akaademiyada Nabadda iyo Horumarka oo aan markaasi madax ka ahaa. Bishii Sebtamber ayaa guddigu ku guulaystay in labadii qolo afgarad dhexmaro oo dalku uu yeesho Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka.
Guddigii waxa u ahaa mid khilaaf ku dhashay sidii uu khilaafkii ugu jiray ayuu burburay isaga oo laba sanno jiray markii xubnihiisii intiisii badnayd ay istiqaalad keeneen. Sannadkii 2009 aakhirkiisii ayaa mar labaad guddi kale la mgcaabay oo la ansixiyey. Guddigaas ayaa qabtay doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa bishii (Jun 2010). Doorashadaas oo si qurux badan u dhacday.
Indhaha Dalalka xiiseeya siyaasadda Geeska Afrikana soo jiidatay markii ay si nabadgelya u dhacday oo laba Madaxweyne ay xilkii isu tiriyeeyn oo mucaaridkii ku guulaystay doorashadii, taas oo ahayd arrin dhif ku ah Waddamada dunida saddexaad iyo kuwa Muslimka ah.
Waxa kale oo uu Guddigaasi qabtay doorashadii Golayaasha Deegaanka oo dhacday Bishii (December 2012), taas oo buuq iyo dhimasho sababtay iyo muran waqti dheer qaatay. Waxa dhacdadaas loo aaneeyaa diiwaangelintii sida caadifadda ah Baarlamaanku u laalay iyada oo aan laga fikirin, oo Xisbiyadu dabada ka riixayaan, Xukuumadduna ay ka aamustay.
 
Markii ololaha laalistu socotay ayaan Wasiir xukuumadda ku jira oo waayo-aragnimo badan u lahaa Doorashooyinka ka warsaday waxa ay u joojin waayeen laalista Diiwaangelinta Codbixiyayaasha. Waxa uu iigu jawaabay si fudud oo ahayd marmarsiinyo lagaga horyimaado Doorashada inay dhacdo ayaannu diidaynaa, sidaas darteed ma faragelinayno.
Sharci-yaqaaanno badan ayaa waxay ku doodaan in qaybintii ay qaybsheen awoodda magacaabidda Guddiga Qaranka ee Doorashadu  ay isku dhex daadisay awoodihii waaxaha Fulinta iyo Sharci-dejinta. Badanaa wixiii magacaabid ah waxa iska leh Madaxweynaha, ansixinta (Ogaalansho ama diidid) waxa iska leh Baarlamaanka.
 
Hore waxa Mucaaridku uga qaylinay jireen labada xubnood ee Guurtidu magacowdo, bal hadda fiiri labadii mucaaradku magacaabi jiray waxa ka taagan; ‘Fari tog-dheer ayey kula xushaa.’ Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI isaga ayaa xeerku siiyey inuu soo magacaabo xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka, isla markaana waa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee ansixinayaa xubintii uu soo magcaabay. Haye Maxaa kuu baxay boowee!!.
 
Waxa Sharci-yaaqaanno badani qabaan in Xeer gaar ah oo tifatiran loo curiyo Guddigga Qaranka ee Doorashooyinka. Waayo, guddigu waxa uu gacanta ku hayaa xasiloonida iyo nabadda dalkan Somaliland, sidaas darteed waa in dib loo eegaa xeerka hadda jira oo ah dhawr qodob oo ku dhex milan Xeerka Doorashada Madaxweynaha iyo Golayaasha Deegaanka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply