Wasiirka Warfaafinta Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Madbacadaha Ka Hawlgala Hargeysa

0
464

Hargaysa (Dawan): Wasiirka   Warfaafinta,  Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa shalay xafiiskiisa  kulan la yeeshay masuuliyiinta madbacadaha  gaarka loo leeyahay ee  ka hawlgala magaaladda Hargeysa.
Wasiirka oo hadal u jeediyay masuuliyiintii kulankaasi ka soo qayb galay,   waxa uu sheegay in ujeedada kulankani ahayd sidii ay uga wada hadli lahaayeen madbacadaha qorshihii ay ku wada shaqayn lahaayeen sanadka 2015 ee fooda inagu soo haya, isla markaana wax looga waydiin lahaa xeerka saxaafada ee golaha wakiilada horyaala.
Isaga  oo ka hadlayay u jeedadda kulankaasi  uu la yeeshay madbacadaha waxa uu yidhi “Kulankan ujeedadiisa ugu muhiinsani waxay tahay in aynu isku wargelino sanadka cusub  ee 2015 qorshaha aynu ku wada shaqaynayno,  waanad og-tihiin oo madbacaduhu waa  qayb ka mid ah saxaafadda oo soo saarta wargeysyadda aad daabacdaan,  xayaysiis ayaad samaysaan oo dhamaantood ah kuwo la fidinayo oo  la baahinayo ah, markaa sababtaas ayaa isku keen keentay.”
Wasiirka  warfaafintu, waxa uu tilmaamay inay lama huraan ah in madbacadaha daabaca wargeysyada in ay kala tashadaan xeerka saxaafadda ee horyaala golaha wakiiladda.
waxaana uu yidhi “Waad og-tihiin oo golaha wakiiladu waxa uu gacanta ku hayaa xeerkii saxaafadda  oo dib u habayn lagu samaynayo markaa xeerka saxaafada ee dib u habaynta lagu samaynayo qaybta warbaahinta  ee uu khuseeyo  la tashigii iyo qolooyinkii la waydiinayay waa lagala xidhiidhay, waxna way ku dhiman yihiin oo waa la bixin doonaa, idinka qaybtiina ayaan u baahanahay in aanu talo idinka waydiino”.
C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse),  waxa kale oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in ay madbacaduhu yeeshaan  ay ku shaqaynayaan.  “Dawladu waxay xaq idinku leedahay in cashuur bixisaan, waxaana ugu muhiimsan in marka hore liisasn yeelataan, liisankaa ad leedihiin aad ku shaqaysaan oo sanadkii aad ku bixisaan cashuur liisankaa aad ku shaqaynaysaana  madbacaduhuna dalka faa’iido ayay u leeyihiin” ayuu yidhi wasiirku.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply