“Soomaaliya Haddii ay Dhaawacday wada- hadalkii, Waxaanu Qoraal ku Hordhigaynaa Dalalkii Goob joogga ka ahaa…”

0
503

Hargeysa(Dawan)-  Xukuumadda Somaliland,ayaa ka hadashay waxa ay kaga jawaabayso Soomaaliya oo jabisay heshiisyadii ka soo baxay wada-hadaladii  labada dal isla markaana dhaawacday sidii ay u sii socon lahaayeen wada xaajoodkii  Somaliland iyo Soomaaliya,waxaa kale oo ay Xukuumadda Somaliland wax ka tidhi dagaalka ku socda kooxda Al-Shabaab iyo haddii laga awood roonaado in aanay soo geli
Sidaasna waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN.
Sidoo kale waxa   uu sheegay in shirka ka socda magaalada Xiin-galool ee ay qabsatay beesha Warsangali in uu yahay shir dhaqan oo aan waxba u dhimayn Somaliland isla markaana waxa ka soo baxayaa ay yihiin oo kaliya arrimo dhaqan laguna soo gunaanadi doono quraan akhris.
Wasiir Cadami,ayaa intaa ku daray in uu ka qayb gali doono xidhitaanka shirka Xiingalool oo maanta oo khamiis ah la soo gunaanadi doono.
Ugu horrayn Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo aanu weydiinay mar hadduu Ceerigaabo gaadhay in uu ka qayb gelayo shirka beeshiisa uga socda magaalada Xiingalool iyo ajandaha shirkaa waxa uu kala socdo,waxaanu yidhi “Horta shirkaasi wuxuu furmay maalintii khamiistii waxaana la soo gunaanadayaa khamiista berri(maanta) waana shir dhaqan oo ay beeshu  isku calool xaadhanayso isla markaana ku ducaysanayso,shirku marka uu dhamaada waxaa la samayn doonaa quraan akhris iyo ducaysasho khayri ah oo Rabbi wanaag lagaga baryayo,aniguna shirkaa waxaan ka qayb gelayaa xidhitaankiisa anigoo ugu hambalyaynaya sida wanaagsan ee beeshu u qabsatay shirkooda dhaqan, shirkuna wax siyaasad ah shaqo kuma laha lagumana soo hadal qaadin waxaanan odhan karaa waa shir beeli qabsato kii ugu hadalka wanaagsanaa ee ku koobnaa arrimo dhaqan oo beesha ah.”
Wasiirka difaaca Somaliland oo aanu weydiinay halka uu marayo  hawl galkii ay ciidanka Qaranku ku daba joogeen kooxda Cali Khaliif,waxa uu yidhi  “Hawl galkaasi wuu socdaa waana hawl  Qaran ciidanka Qaranka arrimihiisana in wax tafaasiil ah laga bixiyo maaha,laakiin si wanaagsan ayay ugu socotaa hawsha ay ciidanka qaranku ugu jiraan sugidda xuduudaha dalka.”
Wasiir Cadami oo aanu weydiinay  Cali Khaliif la sheegay in uu ku dhuumalaysanayo dalka Itoobiya, in ay arrintaa ka wada hadleen Itoobiya iyo hadduu dhacay wada hadal waxay Itoobiya ku jawaabtay,ayaa ku jawaabay. “Itoobiya iyo Somaliland waa laba dal oo saaxiib dhaw ah isla markaana uu ka dhexeeyo iskaashi ammaan iyo mid siyaasadeedba,arrinta Cali Khaliifna Somaliland Itoobiya way kala hadashay oo waxaaba u tegay labada Wasiir ee arrimaha gudaha iyo dibadda,dadku waxay suuqa ka lahaayeen waa loo yeedhay wasiirada Somaliland oo farriin,ayaa loo soo diray laakiin arrintaa waxba kama jiraan Somalilad-na dal arrimaheeda cidi soo faro galin karto maaha laakiin  sababta ay u tageenba waxay ahayd in ay kala hadlaan Itoobiya dadka nabad-diidka ku ah Somaliland eek u dhuulaamaysanaya dalka Itoobiya, markaa Itoobiya Somaliland arrinta Cali Khaliif waanu kala hadallay waxaanan sugaynaa oo kaliya tallaabada ay ka qaadato arrintaa,sababta oo ah dee waa dawlad sirdoonkeeda iyo wardoonkeeda leh  oo adeegsanaysa isla markaana ka war doonaysa waxyaabaha aanu ku war-gelinay markaa jawaabta Itoobiya ayaanu ka sugaynaa iyo tallaabada ay qaaddo.”
Wasiirka Gaashaan-dhiga  oo ka jawaabayay su’aal ahayd  sida ay Somaliland uga hor tegayso kooxda Al-Shabaab oo dagaallo kaga socdaan Soomaaliya haddii laga adkaado oo ay u soo dhaqaaqaan dhanka Somaliland,ayaa yidhi. “Horta waanu ognahay in Soomaaliya ay ka jirto dhibaato badan iyo colaado Illaahaya waan u baryaynaa in dhiigga daadanaya uu ka joojiyo, marka taa laga soo gudbo Somaliland war doon,xog sugid iyo millatri ahaanba waa u diyaar in ay dalkeeda ka difaacdo cadaw kasta oo isku daya in uu gudaha u soo galo,Al-Shabaabna Somaliland soo geli mayso dadkuna wuu ku baraarug san yahay in ay hore dalkan dhibaato uga geysatay oo qaraxyadii Hargeysa lama ilaawin markaa shicib iyo dawladba diyaar ayaa loo yahay in la iska kaashado ammaanka dalka lana wada ilaashado sidaa darteed Somaliland waa u heegan ammaankeeda.”
Ugu dambayn wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo aanu weydiinay in ay Somaliland ka baxayso wada hadalkii ay kula jirtay Soomaaliya kol haddii ay dhaawacday qodobadii hore loogu heshiiyay,ayaa ku jawaabay.
“Horta shirkii waanu ka baxnay waxa yidhaahda cid aan caqli lahayn laakiin waxaanu dunida hor dhigaynaa iyo dawladihii wada hadalkayaga markhaatiga  ka ahaa oo ay ku jiraaan dalalkii gogosha wada hadalka noo furay ee marti galiyay inta qodob ee ay Soomaaliya ku xad gudubtay ee ay ku jabisay wada hadalkii markhaatiga lahaa ee caalamku wada ogaa qodobadii ka soo baxay,marka aanu caalamka tusno sida ay u dhaawacday wada hadalka iyo in aanay ixtiraamayn waxa lagu wada hadlo  iyo qodobada  wada jirka loo soo wada saaro, ee aanu dunida tusno in aanaan anagu hal qodob jabin,ayay ku xigi doontaa waxa dambe ee la yeelayaa laakiin horta waa in aanu soo bandhigaa inta qodob ee ay jabisay anagoo caalamka tusayna in aan wada hadalku macno yeelanayn haddii aan la fulinayn waxa ka soo baxa.”
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply