“Waxa Jira Tabashooyin Xoogan oo ay Ii Soo Gudbiyeen Salaadiinta Iyo Madax-dhaqmeedka Awdal”

0
570

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay Guddi u magacaabay tabashadii ay salaadiinta beelaha gobolka Awdal u gudbiyeen ee la xidhiidhay saluuga ay ka tirsanayaan saami qeybsiga xukuumadda Somaliland.
Sidaasna  waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul,waxaanay u dhignayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyowaxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/MG/241-2682/092014 kumagacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.
Magacyadda Guddida 
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasiirka Wasaaradda Beeraha,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda , Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda,Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta. Mudanayaal,Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in Guddi heer Wasiirro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan. Haddaba, Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo ururiyo cabashadan, waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply