Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Kulan Layeeshay Ambassadoorka IGAD

0
612

Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Cabdi Aw daahir Cali ayaa bishii la soo dhaafay xafiiskiisa magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Ambassadoorka IGAD, Maxamed Cabdi Afay. Oo booqasho dalka ku joogay, waxaanu wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Cabdi Aw daahir, sheegay in ay kulan kaasi ay kaga wada hadleen mashriicda IGAD ay ka caawiso Somaliland ee ku saabasan xanaanada xoolaha. gaar ahaan Dugsiga Xanaanada Xoolaha ee Sheekh. Sida uu wasiirku ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bogasiisa uu ku lee yahay barkulanka Facebook.
‘KULAN aan Xafiiskayga kula yeeshay Ambassador Maxamed Cabdi Afay. Ambassadoorka IGAD. Waxaan ka Wada hadalnay Mashaariicda IGAD ay ka caawiso Somaliland ee ku saabasan Xanaanada Xoolaha. Gaar ahaan Dugsiga Xanaanada Xoolaha ee Sheekh’.
Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Cabdi Aw daahir Cali, waxaa kulankaasi ku wehelinayay agaasimaha guud wasaarda xanaanada xoolaha Somaliland Dr.; Jaamac Maxamed Odowaa.
 

Leave a Reply