Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Badhasaabadda Iyo Maayarrada Dalka

0
504

“Diiwaan gelinta Muwaadiniintu waa Hawl Qaran, oo waa waajib marka hore la innooga wada baahan yahay Dhammaanteenba oo inoo wada taala”

“Waxaan Idiinku Boorinayaa aynu Hawshaas qaran ee diiwaan-gelinta madaniga ah wada jir u wada hirgelinno” Madaxweynaha Somaliland

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xarunta madaxtooyadda kulan kula  yeeshay  badhasaabadda  iyo maayarrada dalka, kulankaasi  oo  lagu dar-dargelinayay  sidii loo guddo-geli lahaa diiwaan-gelinta Muwaadiniinta.

Waxa  kulankaasi ka soo qayb galay afar iyo toban xubnood oo isugu jiray badhasaabo iyo maayarro iyo sidoo kale wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo madaxtooyadda,   kulankaasi  ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay in ay ahayd  sidii  masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka dalka lagu baraarujiyo in ay si deg deg ah uga hawlgalaan sidii dhakhso loogu  hirgelin lahaa diiwaangelinta madaniga ah.

Madaxweyne  Axmed Siilaanyo,  oo hadal u jeediyay badhasaabadii iyo maayarradii kulankaasi joogay, ayaa sheegay inay qaran ahaan muhiim tahay in bulshada reer Somaliland ay qaataan kaadhka jinsiyadda muwaadin-nimadda,  madaxweynaha ayaa  masuuliyiintii kulankaasi joogay kula dardaarmay in  ay xil iska saaraan sidii loo qaban lahaad iiwaan gelinta muwaadiniinta.

waxaanu tilmaamay in qaadashadda kaadhka jinsiyadu ay  qayb ka qaadanayso ilaalinta  nabadgeliyadda iyo wada jirka bulshadda, isla markaana badhasaabadda goboladda dalka iyo maayaradda magaalooyinka looga baahan yahay in si buuxda uga soo baxaan waajibaadka ka saaran hawshaasi.

Madaxweyne  Axmed  Siilaanyo, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Badhasaabadda gobolladda iyo maayaradda magaalooyinka dalka, marka hore aad baan idiin soo dhawaynayaa,  waxa aad u sharaxay ahmiyadda ay diiwaangelintu leedahay wasiiraddii halkan ka hadlay,  diiwaan gelinta muwaadiniintu waa hawl qaran, oo waa waajib marka hore la inooga wada baahan yahay dhamaanteenba oo inoo wada taala, nabadgeliyadda iyo ilaalinta wada jirkana aad ayay muhiim ugu tahay.  markaa hawshaasi wixii looga baahnaa wasiirradda ayaa aad u sharaxay,   waxaan Illaahay  ka rejaynayaa in sida la idiinku sheegay ee la idiinku faahfaahiyay in aynu kuligeen ka wada hawlgalno,  oo aynu  meel uga soo wada jeedsano,  oo hawshaasi waa hawl qaran’e    aynu xil iska saarno inay noqoto ayaan Illaahay  inooga  rajaynayaa. waxaan leeyahay markaa Insha  Allaahu tacaalaa xilka iyo waajibka hawshaasi innaga wada saaran,  aynu ka soo wada baxno”.

Wasiirka  Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade oo kualnkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay ahmiyadda ay bulshadda iyo dalkaba u leedahay in la sameeyo diiwaan gelinta madaniga ah, waxaanu sheegay in qaadashadda kaadhka muwaadin-nimadu uu wax badan ka tarayo ilaalinta amaanka iyo sidoo kale in la garto qof aan Somaliland u dhalan ee doonaya in uu dadka ku soo dhex dhuunto.

 Wasiirka oo masuuliyiintii kulankaasi ka soo qayb galay uga warbixinayay u jeedadda kulankaasi, waxa uu yidhi “Waxaannu halkan isugu kiin yeedhnay arrin qarankeenan muhiim u ah iyo geedi socodkii aynu  kaga go’nay Soomaaliya, waxyaabaha ictiraafkeena wax u tarayana ay goonni u tahay, Madaxweyne waxaa halkan fadhiya dhamaanba  badhasaabadii goboladda  dalka iyo maayaradii magaalooyinka  haddii ay tahay  degmooyin, gobol  iyo tuulooyinkaba, waxaynu goosanay madaxweyne maadaama aynu ka go’nay Soomaaliya iyo jinsiyadeenii horena uu ahaan jiray Jamhuuriayda Soomaaliya in aynu maanta ka guurno,  oo sidii aynu uga go’nay ula baxno magaceena saxda ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. waxaynu markaa madaxweyne maanta bilaabaynaa in umadda reer Somaliland ay qaadato kaadhkeedii dhalashadda ama muwaadinnmadda ama dhalashadda, ee ay kaga duwanaanaysay umadaha kale”.

Cali Waran Cade, ayaa sidoo kale ma waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay wasaaradda daakhiligu la soo martay  diyaarinta qorshaha barnaamijka diiwaan gelinta madaniga ah ee la doonayo in dhawaan dalka laga hirgeliyo.Waxaanu wasiirku  uga mahad celiyay masuuliyiinta goboladda iyo degmooyinka in ay ka aqbaleen dalab uu hore ugula tegay iyaga oo ahaa in ay dhaqaale ahaan qaybtooda ka qaataan barnaamijka diiwaan gelinta madaniga ah.

 “Madaxweyne waxaan uga mahadcelinaya wixii yaraa ee ay ku shaqaynaayeen muddo imika sided  bilood ah waan ka jaray. “Waxaan u tegay Badhasaabada iyo Maayaradda, waxaanan ku idhi qarankiina idinka ayaa  uga masuul ah arrintan, haddii aynu nahay Wasaaradda Daakhiliga, qasnadda dawladdana lacag buuran kuma ogi, horta aan inagu iska bilawno oo intan aad wax ku samaysaan iyo mashaariicdda ay ii keenaan miisaaniyadooddii oo gobol walba ku soo habeeyey kabkii iyo wixii uu qaban lahaa, waxaanan ku idhi tan ayaa  ka muhiimsan ee ila qaata. Lacagtoodii waa taas aynu qalabka ku soo iibsanay, Malyuun ay dawladdu ku dartay mooyaane, qalabkiina waa la keenay, wixii kalena waa la soo wadaa, waana qalabka bulshadda caalamku yaaban yihiin halka aynu ka keenay”.  ayuu yidhi Md. Warran-cadde.

Md. Warran-cadde waxa uu wasiirrada kale kula kaftamay in wasaaradiisu muhiimad badan ku fadhido marka loo eego shaqooyinka ay hayaan wasaaradaha  kale, waxaannu yidhi;“Madaxweyne Wasaaradda Daakhiligu waa Wasaarad ballaadhan, sababta oo ah Wasiirradda Beeraha, Ganacsiga, Xannaanadda Xoolaha iyo Madaxtooyadda waxyaabo yar yar ayay ku beegan yihiin, laakiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha la yidhaahdo, wasaarad walbaa iyada ayay  hoos timaadaa, halkana waxaa fadhiya 14 nin oo kaaga masuul ah  calanka, gobolladana iyagaa xukuma”.

Dhinaca kale Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isna kulankaasi hadal ka jeediyay  ayaa kula dar-daarmay badhasaabadda goboladda dalka  iyo maayaradda  in ay si weyn xil isaga saaran  hirgelinta iyo qabsoomidda diiwan gelinta madaniga ah, isla markaana  ay muujiyaan wadaniyad iyo tacab ay geliyaan hawshaasi. Waxaanu wasiir Xirsi ka waramay muhiimadda  uu kaadhka  jinsiyadu u leeyahay  dalka, dawladda iyo dadkaba, isaga oo tilmaamay in kaadhka jinsiyaddu uu wax badan ka tarayo adeegyadda kala duwan ee  hawlaha  bulshadda.

 Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo arrimahaasi ka ahdlayayna  waxa uu yidhi “Barnaamijka diiwaangelinta muwaadinku waa  shay u baahan runtii in aynu si qiimo leh, oo tacab leh, oo wadaniyad leh aynu u hirgelino, kaadhka aqoonsiga  dhalashadu waa shayga la adeegsado ee qofka muujiya muwaadinimadiisa, waa shay wax ka taraya nabadgelyadeena oo in aynu hubino cid kast aoo ku soo dhex dhuumanaysa dadkeena in aynu hubino waa shay wax ka taraya, waa shay suurtogeliya adeegyada dadweynaha in loo adeegsado, haddii ay tahay caafimaadka iyo ahddii ay tahay waxyaabaha kaleba wuu suurtogalinayaa in loo adeegsaddo. Arrintan aynu ka hadlayno ee diiwaangelinta muwaadinku muhiimadda noocaas ah ayuu leeyahay, sidii uu tilmaamay wasiirka daakhiligu kharash badan ayaa ku baxayaa, idinka ayaa la idinka jaray oo bixiyay, xukuumadda ayaa bixisay, dadka kale ee muwaadiniinta ahna laga jaray, oo lagu yidhi wax ku daro, oo qaadhaan shirkadaha la weydiiyay, tacabka noocaas ah ayuu hawshan geliyay waxa uu qiimo ku yeelanayaa markuu hirgalo. Dunida ma jiro dal aan muwaadiniintiisa aqoon, waana ceeb, mana aha, waxa dunida la isku garta qabiil iyo in lagugu aqoonsado qolama tahay, waana waxa ina ragaadiyey ee aynu u baahanahay in aynu ka guurno. Waana shay wax ka taraya nabadgelyadeena oo aynu hubino cid kasta oo inagu soo dhex dhuumanaysa. Mashruucan haddii uu guul darraysto qarankeena dhaawac buu ku yahay, himiladeenana dhaawac buu ku yahay, dhaqaalaheena dhiig bax buu ku yahay oo $5 milyan oo dollar in aynu ku bixino inagoo jeebkeena arkaysa oo uu haddana guul darraysto waa ayaan darro, in la isla fahma waxaynu wadnaa waa muhiim, dadkii aad maamulayseena aad gaadhsiisaan, una guntataan sidii uu u hirgeli lahaa.”

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa  uu sheegay in goobo  dhawaan la soo saaray in lagu qaban doono diiwaangelinta aanay dhammaystirnayn si deg deg  ahna qoladii farsamadu ugu dhawaaqday. “Waan ka xumahay inuu soo baxo liis aan loo diyaar garoobin oo goobaha sheegaya, dadku ilaa shalayna ay wax ka tawdeen, liiska siii loo qorsheeyey, qolada farsamadu markay xoogga diyaariyeen uun bay ku dhufteene, wali lama qodax tiring oo si fiican looma qorshayn, laakiinse goobaha laga qaban doono diiwaangelintu way kooban yihiin ee maaha goobihii codbixinta, waanay kala duwan yihiin diiwaangelintu codbixiyaha iyo mudaawinku. Waqtigay soconaysana dadka qaar baa u qaatay sannado, balse waxay ku eeg tahay December, haddii wax soo hadhaana la joojin maayo ee waa la sii wadaya, balse ilaa December bay socota in lagu diiwaangeliyo dadka” ayuu yidhi wasiir xirsi.

 By: Khadar Cabdi Muuse

Leave a Reply