Bas La’aanta Rakaabka Iyo Rakaab La’ aanta Basaska

0
108

Hargeysa (Dawan):- Dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa ayaa walaac isa soo taraya ka qaba  dhibaatooyin ka haysta Basaska iskaga kala goosha suuqyadda Iyo xaafadaha magaaladda Hargeysa,kuwaasi oo iskaashatada basaska dadweynuhu aanay illaa imika wax xal ah u helin, si ay ula jaan-qaadaan basaska  dalalka mandaqadda oo mar-marka ka dambeeya sii horumarinaya qaabka ay dadweynaha ugu adeegaan.
Dhibaatooyinka waxa ka mid ah in basasku ay goobaha ay ka rakaabsadaan iska taagnaadaan muddo dheer iyadoo dadweyne tiro badanina ay Jidadka  taagan yihiin oo ay la’yihiin gaadiidkii ay u raaci lahaayeen suuqyadda ama xaafadaha, waxa  arrintaasi warbixintan ka diyaariyay Weriye Idiris Muxumed Xasan oo ka mid ah Weriyeyaasha wargeyska DAWAN, waxaanu ku  bilaabay:
“Sida aynu ka war-qabno magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa wax ay ka mid tahay magaalooyinka ugu koritaanka iyo  dadka badan  ee Somaliland. Waxa shacbiga ku dhaqan Hargeysa lagu qadaraa malyan iyo dheeraad qof, taasina waxay keentay in ay aad u sii kordhisay  baahida loo qabo Gaadiidka dadweynaha gaar ahaan basaska iskaga goosha suuqyadda iyo xaafadaha caasimadda.
 
Waxa  iswaydiin  mudan  haddii ayna jirin basas yaraani maxaa keenay in baskii rakaab la’aani hayso,  rakaabkiina bas la’aani hayso?, waxa   dhibaatadaasi ka timid dhinaca Basaska iyo qorshe xumadooda aanay waxba ka bedalaynin nidaamka ay u shaqeeyaan. Nidaamka basasku ku shaqeeyaan ayaa ah hab qadiim ah oo ay bilaabeen xiligii ay tirada dadweynaha ku nool Somaliland ay aad uga yaraayeen marka laga qiyaas qaato inta imika ku nool Somaliland.
 
 
Mushkiladda dadweynaha ka haysata basaska ayaa ka dhalatay nidaamka ay basasku u baxaan oo ah  Istaan illaa istaan  ee ay u dhigtay iskaashatadoodu. Waxay dhacda in basasku ay kala horaan  hawl-wadeenno ka socda iskaashatada oo  kala jooga Istaammadda suuqa hoose iyo istaanka xaafadaha, waxa dhacda in gaab yimaado oo dadweynaha soo shaqo tagaya ama suuqyadda ka soo muraadsanayaa ay inay bas helaan ku qaadato illaa nusu-saac ama ka badan, taasina ay sabab u noqoto inay ka habsaadaan muraadkii ay u socdeen.
Hooyo Aamina Nuur oo degan mid ka mid ah degmooyinka magaalada Hargeysa ayaa tidhi  “Marka aad bas fuusho waxaad odhanaysaa rakaab ma jiro oo inamadu shaqo  ma hayaan, waxay igu   qaadataa inta uu baskaasi kolba meel istaagayo in qofkii saarnaa wakhtigu ka dhaco kii kale ee baskaasi sugayayna wakhtiga ka dhaco. Taasi oo u muuqata baskii oo rakaab la’ oo dhaqaaqi la’ iyo dadkii oo basas la’  oo dariiqyadda tuban, markay muddo taagnaadaanna uu dhaafayo baskii oo buuxaa.”
 
Khadar Cabdi Muxumed ayaa isaguna waxa uu tallo muhiim ah u jeedinayaa iskaashatada basaska. “Runtii adeega basaska haddii aan la casriyaynin oo aanay iskaashatadoodu la iman fikrad cusub, waxa dhici doonta 10 sanadood ee la soo dhaafay in laga baxo oo gaadiidka yar-yar qofkii suuqa tagayaa raaco oo uu telefoon ku dalbado. Markaan xaafadda ka imanayo ee aan suuqa tagayo guriga hortiisa markaan istaago waxay subax kasta iga qaadataa inaan bas helo 20-30 daqiiqo, marka uu basku I soo marana, isagoo buuxa ayuu faas igu dhaafaa.”
“Ma Jiro bas la’aani ee waxay tuban yihiin istaankii sare ee xaafadda ee waxa jirta inay iska taagan yihiin oo dhawr iyo tobankii daqiiqaba hal bas la soo daynayo, loona dhigay qorshe ah inaanu basna baska kale dhaafin ee ay is daba socdaan, markaa baskii oo in yari u dhiman tahay ayaa iska taagnaanaya meel dhexe wuxuu ku odhanayaa baskii iga horeeyay ayaa ii muuqda oo ma dhaafi karo,”ayuu yidhi Khadar Cabdi Muxumed.
Waxa ray’ul caamka bulshaddu ay khaatiyaan ka joogaan nidaamka duuga ah ee basaska dadweynuhu  u shaqeeyaan oo haddii aanay isbedel ku samaynin qorshahaasi ay suurto-gal noqon doonto in dadweynuhu ay ka wareegaan basaska.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here