Hargeysa: Lammaane Dhego La’ Oo Arooskoodii Xiiso Geliyay Dadweynaha

0
449

Hargeysa, (Dawan)- Aroos soo jiitay qaybo ka mid ah dadweynaha, ayaa habeen hore ka qabsoomay degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, kaas oo lagu yagleelay guriga lamaanne Dhegooleyaal ah oo is cal-maday.
Lamaanahan is-guursaday oo magacyadooda la kala yidhaahdo  Saleebaan Yuusuf  Xuseen iyo Suleekha Ibraahim  Cabdilaahi, ayaa munaasibadii loo qabatay aqal-galkooda ahayd mid xiiso gaar ah ku abuurtay bulshadii ka qayb gashay.
Axmed Cabdi oo ka mid ah dadkii ka qayb galay udub-dhiga lammaanahaas dhegaha la’ ayaa ka warbixiyay sidii ay isku barteen iyo xidhiidhkii ka dhexeeyay  labada lammaane ee Saleebaan Yuusuf  Xuseen  iyo Suleekha Ibraahim Cabdilaahi, waxaanu yidhi “Waxaa isbarashada labadan lammaane  si weyn uga qayb qaatay  wiil meherad ku  haysta magaalada Gabiley, ugana  warramay  gabadhan nolosheeda iyo taariikhdeeda , sidaaasay isku barteen, kuna wada xidhiidheen wixii hadal  sheeko dhexmarayna  waxaa ay isugu macaamili jireen  farriimo ay iskaga diri jireen Telefoonadooda gacanta  sidaas baanu ku hana-qaaday  xidhiidhka labadaas lammaane ee aan caawa (habeen-hore) udubkooda taagnay, waxaanu ahaa aroos xiiso badan, waayo waa markii iigu horyasay nolasheyda aan ka qeyb-galo arrooska laba qof oo dhego la’ .”
Mid ka mid ahi dhalinyaradda  ay aadka iskugu dhow yihiin caruuska munaasibadda loo qabtay ayaa waxa uu si kooban uga hadlay taariikhda saaxiibkii, waxaanu yidhi, “Saleebaan Yuusuf oo ah wiika aynu munaasibadda arooskiisa joogno waxa uu ku dhashay xarunta gobolka Togdheer ee Burco, markii ay taariikhdu ahayd 1983-kii,  waxbarashada waxa uu ka bilaabay magaalada Berbera. Xanuun dabayl  loo maleeyay oo sidii marjaajiska oo kale ah ayaa ku dhacay, kaas oo ka haleelay madaxa, markii dambena dhego tiray.”
“Ninkan caruuska ahi waa uu iska shaqaystaa oo waxa uu macalin ka yahay dugsi  dhegoolayaasha wax lagu baro oo ku yaalla Hargeysa, mararka qaarkoodna waa ganacsade iskii u shaqaysta, waxaana xusid mudan oo xiiso leh in ay dadka isku fahmaan fariimo uu uga diro moobilkiisa,” ayuu yidhi ninkaasi xog ogaalka u ahaa dhismaha qoyskan cusub ee arrooskooda lagu qabtay xaafadda Cabaaye ee magaaladda Hargey.
Geesta kalena dadweyne tiro badan oo ka qeyb-galay arooska qoyskan ayaa sheegay inay ka mabsuudeen dhismaha qoyskan cusub oo ay ugu hambalyeynayeen farriimo ay uga direen mobile-ada labadan dhalinyarada ah.
By: Khadar M. Xaashi
 
 

Leave a Reply