“Xiin-galool Wixii Shar Wadeyaashu Ka Doonayeen Kama Soo Bixin, Wax Somaliland Lid Ku Ahna Lagagama Dhawaaqin..” “Waxaan Xadhiga ka jarayaa Ceel biyoodka Badhan Oo Madaxtooyadda Somaliland Maal-gelisay”

0
486

Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa ka hadashay go’aamada ka soo baxay shir beeleed beesha Warsan-gali ugu soo xidhmay  magaalada Xiingalool  ee barriga gobolka Sanaag, kaas oo ay Xukuumadda Somaliland ku tilmaantay in uu ahaa shir beeleed dhaqan oo aan siyaasadda wax lug ah ku lahayn isla markaana ay sheegtay in ay ku guul darraysteen kooxo ay ku tilmaantay  sharwadeyaal dibada ka soo abaabulay wax ka dhan ah Somaliland oo ku guul darraystay.
Wasiirka Wasaaradd Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ku sugan magaalada Xiin-galool ee shirka lagu soo  gabo-gabeeyay,ayaa ka war bixiyay aragtida ay Xukuumad ahaan ka aaminsan yihiin go’aamadda ka soo baxay shirkii Guuleed 2 ee ay qabsatay beesha uu ka soo jeedaa.
Wasiir Cadami oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayay DAWAN,  waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan isla markaana u arkaan in uu yahay shir beeleedkii ugu wanaagsanaa ee ay beeli qabsato isla markaana lagaga wada hadlay oo kaliya arrimo dhaqan oo beeshiisa khusaysa.
 
Md. Caddami oo ugu horayn la weydiiyay arragtida xukuumaddu ka qaadatay bayaankii ka soo baxay shir beeleedkaasi, waxa uu yidhi  “Shirkaasi wuxuu ahaa shir dhaqan oo ay beelaha Warsan-gali qabsadeen isla markaana kaga hadlayeen arrimo dhaqan, wax Somaliland lid ku ah oo ka soo baxayna ma jirto. sidaa darteed waanu ku hambalyaynaynaa sida wanaagsan ee ay shirka dhaqan beeshu u qabsatay iyo go’aamada ka soo baxay-ba.”
 
Wasiirka oo aanu weydiinay qodobada ka soo baxay shirka in aanay ku jirin in beeshu tahay Somaliland dad ahaan iyo deegaan ahaanba waxaanu yidhi  “ Shirku marnaba muu soo hadal qaadin in uu ka mid yahay maamul kale oo aan Somaliland ahayn manay odhan Puntland,ayaanu ka mid nahay ama Soomaaliya,ayaanu ka mid nahay,  kumanay dhawaaqin maamul kale oo jaan,Warsan-galina waa reer Somaliland lagamana laaluushayo ee way ku khasban yihiin oo wey u dhasheen  Somaliland, in ay ahaadaanna maaha mid laga baryayo.
Shirka waxaa abaabulkiisa iyo isku dubbaridkiisaba qayb weyn ka qaatay oo aammaankiisana sugayay Maxamed Cali oo ah taliyha Ciidanka Qaranka ee Somaliland ee barriga Sanaag oo aanu imika wada joogno,aniga oo ah Wasiir ka tirsan Somaliland oo waliba ah Wasiirkii Gaashaandhigga ayaan Xiingalool Tegay oo aan joogaa isla markaana si weyn naloogu soo dhaweeyay oo aad ka arki kartaan TV-yada Markaa anigu dadka maan khasbin lacagna kumaan iibsan ee waxaa lanagu soo dhaweeyay waxa naga dhexeeya oo ah Somaliland.”
 
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo aanu waydiinay markii uu gaadhay Xiingalool waxyaabaha ay ka wada hadleen ergadii beeshiisa ee ka qayb gashay shirka Xiin-galool,waxaanu kaga jawaabay“Waanu is aragnay guud ahaan madax dhaqameedkii beesha ee ka qayb galay shirka,  waxaanan wada qaadanay kulan bilaabmay Maanta(Shalay) qadadii oo dhammaaday makhribkii wax badanna waanu ka wada hadalnay. wax kasta oo aanu ka wada hadalnayna is afgarad ayaanu ka gaadhnay,waxyaabo ay dawladdooda kala hadlayeenna waxay noogu soo gudbiyeen qoraal kaas oo aanu soo gaadhsiin doono Madaxweynaha.”
Ugu dambayn Wasiir Cadami,ayaa sheegay inuu maanta oo Isniin ah u kicitimi doono degmadda Badhan, waxaanu yidhi  “Aroorta(Maanta) waxaanu tegaynaa magaalada Badhan oo aanu ka soo furayno xadhigana ka jarayno riig biyood macaan oo xukuumaddu ka hirgalisay magaaladda Badhan oo muddo badan biyo la’aani ku jirtay,  haraadna ku jirtay,riigaas oo  Madaxtooyada Somaliland maal galisay,markaa aroorta(saaka),ayaanu riiggaa xadhiga ka jaraynaa oo waliba ku hambalyaynaynaa Madaxtooyada Somaliland ee hirgalisay dadka deegaankuna waxay dhaqan u leeyihiin in ay abaalka wanaagsan ka mahad celiyaan.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
 

Leave a Reply