Natiijadda shirkii ilaalinta Daryeelka Xayawaanka oo lagu qabtay Hargeysa

0
577

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland.ayaa furay kulan lagaga hadlayo daryeelka xayawaanka gaadiidka loo adeegsado. Kulan la xidhiidha kor u qaadista daryeelka xayawaanka gaadiidka loo isticmaalo ee dadka la nool ayaa lagu qabtay dabayaaqadii bishii hore hotelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa.
Tababarkan oo socday laba maalmood isla markaana ay soo qaban qaabiyeen Ururka Daryeelka Xayawaanka oo magacooda loo soo gaabiyo SAWS  ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah dadka ku shaqaysta Dameeraha ee iyagu biyaha ku dhaamiya allaabooyinkana ku qaada,
Agaasimaha guud ee Ururka SAWS Dr. Cali Hassan Xirsi, oo ugu horayn tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa si’aada ugu mahad naqay dhammaan ka soo qayb galayaashii tababarka, waxaanu faah faahin ka bixiyay ujeedada ugu wayn ee ay tababarkan u qabteen waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa dhammaan ka soo qayb galayaasha. Tababarkani waxa uu ku saabsan yahay tacadiyada loo gaysto dameeraha iyo dadka ku shaqaystaa dhibta ay qabaan. Runtii waa Siminaar ku cusub dalka oo aan hore loo qaban. Sababtoo ah xuquuqdooda hore loogama hadal xuquuqda xayawaanka gaar ahaan xuquuqda xayawaanka dadka la nool sida dameeraha”.
Agaasimaha guud ee wasaarada xannaanada xoolaha Somaliland Dr. Jaamac Maxamed Odowaa oo isagu si rasmi ah u furay Tababarkan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xayawaankaasi (Dameeraha) oo waxtar badan u leh bani’aadmigu ay lagama maarmaan tahay in la daryeelo sidoo kale, dadkana loo tababaro in ay xayawaanka si wanaagsan ula dhaqmaan  “ILaahay wax kasta oo  uu abuuray xuquuq ayuu siiyay. Dameerku waxa uu ka mid yahay xayawaanada ugu sammirka badan ee aynu isticmaalno, adduunka oo dhamina ay isticmaalaan. Dadka ku shaqaysta iyo dameeruhuba waxa ay u baahan yihiin daryeel iyo in la baro in ay si wanaagsan ula macaamilaan oo cilmiyaysan”. ayuu yidhi, Agaasimaha Xannaanad Xooluhu, waxaanu  kula dardaarmay ka soo qayb galayaasha siminaarkaasi in ay si wanaagsan duruusta u qaatan ka dib ay ku dhaqmaan.

Leave a Reply