Istcimaalka Labeenta Caanaha Oo Waxtar U Leh Lafaha Dadka

0
789

Daraasad cusub oo dhawaan laga sameeyay dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in shaqsiyaadka saddex mar ugu yaraan caba caanaha xoolaha ee labeenta leh kaga badan yahiin dadka kale macdanta lafaha, arintaasi oo ka dhigaysa in ay ka lafahoodak a adkaadaan dadka kale kuwaasi oo aan si dhaqsiyo leh ku jabaynin, isla baadhitaankaas mid la mida oo lagu sameeyay istcmaalida Jalaatada Ice Cream ayaaney ka helin awooda la midka ah tan laga helay labeenta iyo caanaha.
Dr.Shayfaana Saahni oo ka mida Jaamacada Hafard ayaa sheegtay in caanaha xoolaha ay ka buuxaan maadooyinin muhiim ah oo faa`iido farabadan uu ka hello jidhka bani`aadamka, xoojinaysana lafaha.
Shayfaana ayaa intaasi ku dartay in careemada ,iyo ice caream ka aaney kulansan maadooyinkaasi lafaha xoojinaya inkasta oo ayaga naf ahaantooda ay ku dheehan yahiin dufan iyo waxyaabo macaan, marka laga reebo kareemaadka ka samaysan Llbeenta caanaha ee aan kiimikada ku dheehnayn.
Cilmi baadhayaashan ayaa daraasada waxaa ay ku saleeyeen baadhid saf mar ah iyada oo loo eegayo nooyada lafaha dadka , waxaana lagu sameeyay 3212 ruux .
khubaradu waxaa ay in isticmaalka Caanaha iyo labeenta ay ku laga siibay dufanta ay suura gal tahay in ay kordhiyaan xadiga Barootiinka , kaalsiyoom , iyo Fitamiin D  jirka ku jirta, halka in laga hortago ay fiican tahay qaadashada xadi badan oo uu dufan ku dheehan yahay.
Malaayiin ruux oo ka  u badan dadka da`da ah ayaa caalamka ka cabanaya cuduro lafaha oo tabardaro ka jirto, waana mid asiibta inta badan dadka waaweyn , loona baahan yahay in laga hortagaa oo lagu dadaalaa caafimaad qabka laafaha.

Leave a Reply