SHIRKADA DAHABSHIIL DARYEELKA BULSHADA CIDII KAGAMA HORAYSO

0
607

Shirkadda caanka ku ah,adeega bulshadda ee dahabshiil ayaa si mutadacnimo ah uu samaysay shacabka reer soomaaliya iyo Somaliland .caawimooyin is-daba jog ah,
shirkaddu waxaa ay noqotay mid u heellan dadka ay meteesho ee somaliya waxaanay bixisaa adeeg aanay bulshaddu ka heelin,shirakadaha kale.”Shirkadda Dahabshhil waxay buuxisay door dhan oo bulshada hore uga maqnaa oo ah in ganacsatadu damiir ummadnimo yeelato oo horumarka bulshada ay u adeegto qayb laxaad leh ka qaadato. Samafalku horumarka ayuu ka mid yahay, waxana aan marag ka ahay mashaariic badan oo Dahabshiil qabataay oo aan meel kasta ku arko ama ku maqlaba. Hadaba aan ka hadalno faa”iidooyinka ay shirkadda dahabshiil,ay -geliso bulshadda waxaana ka mid ah wax yaabaha ay sidaa siman ugu tallo gashay xiliyadda far-xadda aym bulshadda u baahan tahay sidaa ciidaha oo kale
Waxa kale oo ay Shirkadaha Dahabshiil Group ugu talo galeen in 500 oo neef oo adhi ah loo kala qaybiyo bukaan-jiifka cusbataallo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeisa Berbera Borama, Gabiley, Laas Caanood, Ceerigaabo, Burco, Bossasso, Beledweyn, Mogadishu, Marka, Jowhar, Garowe, Gaalkacayo, Galmudug, Baydhabo-Bay, Xuddur-Bakool, Kismaayo, Buu’aale iyo Garbahaarrey.
Kuwaaso dhamaan tood ah mid ay bulshaddu ku raaxaystay.ayna u mahad celiyeen shirakadda wadaniga ah ee dahabshiil .Shirkaddu, iyada oo ka duuleysa, fulinaysana istaraatejiyadeeda ah koritaan joogto ah, waxa ay heshiisyo iskaashi la gashay shirkado kale oo la-adeeg ah, oo ku kala yaalla Yurub, Waqooyiga Maraykanka, Aasiya iyo Afrika. Ujeedadu waxa weeye in adeegga Dahabshiil laga helo oo uu gaadho magaalo kasta iyo tuulo walba oo adduunka looga baahan yahay.
Qalinkii
Cabdi casiis Bashiir Nuur
Tel:4144434
Hargeisa/Somaliland

Leave a Reply