Sayladda Ganacsiga Maydka

0
643

Wargeyska (Majalada) AL-mujtama cadadkiisa 1403,  isagoo soo xiganaya war-bixin dheer oo uu qoray  wargeyska Independent ee ka soo baxa Ingiriiska mar qudha ayaa dadka Maraykanku waxay ku war heleen suuq aad u fir-fircoon oo lagu kala iibsado meydka dadka dhintay,
Marka qofka naftu ka baxdo markiiba dad ganacsadayaal ah ayaa deg-deg ula cararayaan oo ay ku xaraynayaan talaagado dabadeedna waxa gacanta ula tegaya, niman aqoon aada u leh sidii ay wasaal ugu kala dhig dhigi lahaayeen si loo geeyo seylada halkaas oo lagu kala siisto qiimo aad u sareeya,suuqan ayaa gebigiisuba waxa uu yahay mid aad u la yaab badan marka la eego qaabka kala iibsiga iyo bandhigiisba iyo sida ay u wada shaqaynayaan dadkan wax kala iibsanaya.
Suuqan ayaa meydka keliya la kala siisanayaa 100,000 oo dolar, hadii meydka iyo lafihiisa laysku iibiyana kor ayuu sicirku u sii kacayaa, lafuhu sare ayay sicirka u qaadayaan waayo faa’idada ku jirta ayaa badan, tusaale ahaan seeda ku jirta dhudhunka lugta waxaa loo adeegsadaa daweynta dhaawacyada soo gaadha dadka ciyaaraha wax ku noqda, marka la daqiijiyo seedana waxa  xanuunada cirridka iyo daamanka lagaga daweeyaa sanad kastaba 300,000 oo Maraykana, haraga laftiisa waxa laga sameeyaa maadad loo adeegsado in  lagaga raysto raadka uu haraga ka tago dhaawacu, jiidhka laftiisana waxaa laga sameeyaa maadad loo adeegsado is qurxinta iyo baabiinta isku soo ururka jidhka gaboobay oo la kala siisto qiimo gaadha boqolaal kun oo dolar.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply