Ceel-biyoodka Madaxtooyaddu ka Hirgelisay Badhan Waa Qorshaha maamul fidinta

0
459

Waxaan Ku Bogaadinayaa madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  inuu maal-geliyay ceel biyood weyn oo riig ah Kaasi  oo laga hirgeliyay degmadda Badhan ee xarunta gobolka Badhan, taasi oo Wasiirka Gaashaan-dhigu xadhiga ka jaray.

Waxaan ku farxay inaan dadka deegaanka ka maqlay in ceelkan madaxweynuhu Maal-geliyay oo uu noqonayo kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee biyo macaan laga helay isla markaana dadweynaha degmada Badhan kaga raysan doonaan Biyo la’aantii haysatay. Iyadoo  xukuumadda ay  ka go’an tahay inay maalin-ba Wax ku darto adeegyadda bulshada ee deegaammada bariga Sanaag oo ka mid Ah degmooyinka dib uga dhacsan xaga adeegyadda ijtimaaciga ah marka loo Eego gobolada kale ee Jamhuuriyada Somaliland.

 Waxa Xusid Mudan Oo kale Socdaalkii Madaxwaynaha jsl uu kii tegey Degmada LAASQORAY,Kaasi oo ay dareen macnawiya ka muujiyeen bulshada ku dhaqan Degmadaasi,iyo Guud ahaan SHACBIGA Somaliland Debed iyo gudo meel kasta Oo ay joogaan.

Waxaa hore  u jirtay in degmooyinka bariga Sanaag laga fuliyay mashaariic kala Duwan oo la hal-maala xarumo caafimaad iyo dugsiyo waxbarasho oo dhawrkii Sanadood ee la soo dhaafay ay dawlada Axmed Siilaanyo ka qabatay,iyadoo ay Ugu danbeysay mashaariicdii isugu jiray xarumaha caafimaad,waxbarashada iyo Xarumaha maamulka ee laga hir geliyay degmada BOOCANE oo ka tirsan Gobolka sool,taasi oo dhawr maalmood uun ka hor uu xadhiga  ka jaray Maayarka degmadaasi BOOCANE.

 Qorshahaasi Horumarinta deegaanada bariga Somaliland,waa mid ku taxan  Siyaasadda xukuumadda ee ku wajahan Worumarinta gobolada bari, iyadoo Dhawaan Madaxweynuhu digreeto ku Magaacabay  gobolka Xaysimo oo Xaruntiisu tahay degmada Taleex ee gobolka Sool. Gobolnimadda Taleex oo ay Ummadda jiidaas degtaa ku farxday waxay Sheegeen inuu wax weyn ka tari Doono adkaynta nabad-gelyadda iyo Magaaleynta, waxaanay qabaan in Gobolnimadu kor u qaadi doonto Magaaleyntii degmadda Taleex oo ka mid ah Deegaammada istaraatajiga ah ee Wadanka ku yaalla,Ee taariikhiga ah isla Markaana ay  door weyn ka qaadan doonto maamul Fidinta gobolada bari oo Deegaamo ka mid ah ay faro-gelin iyo xaalad abuur ka Wadaan kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh.

Leave a Reply