Golaha Wakiilada Oo Loo Qaybiyey Xeer Waxtar U Leh Nolosha Bulshada

0
109

Hargeysa (Dawan) – Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayay Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golahaasi mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa xildhibaanada loo qaybiyay asaaska xeerka Hay’adda dhawista tayada, kaasoo in mudo ahba Golaha Wakiilada horyaallay oo ay gacanta ku hayeen guddi hoosaadka deegaanka iyo khayraadka dabiiciga.

 Xeerkan oo ay golaha dib ugu soo celiyeen  guddi hoosaadka deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada ka dib marlii ay kaabis iyo wax ka bedel ku soo sameeyeen iyagoo soo raaciyay lifaaq til maamaya dib u eegista ay kusoo  sameeyeen.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada mudane Siciid Warsame ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay xeerkan iyo muhiimada uu u leeyahay shacabka Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlaaya waxa uu yidhi

 “Xeerkani waa mid muhiimad wayn u leh shacabka Somaliland dhan caafimaad iyo xag dhaqaaleba.” Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in guddi ahaan ay hawl wayn ka soo qabteen, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Hadaanu nahay guddida deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada xeerkan markii naloo soo gudbiyay waxaanu ku samaynay kaasbis iyo waxka badal waxaana loo qaybiyay golaha wakiilada abagoo ka codsanay in sida ugu dhaqsaha badan loo ansixiyo.”

Guddoomiyaha guddida deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah isagoo ka hadlaaya ujeedada xeerkan laga leeyahay waxa uu yidh

i “Xeerkan ujeedadiisu waa in lagu asaaso hay’adda dhawrista tayada, kaasoo golaha wakiilada hor yaalay mudo labba bilood ah.”

Xildhibaan Siciid waxa kale oo uu ka hadlay hadii xeerkan la meelmariyo  waxa uu bulshada u tari doono, isagoo arrintaa ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi

“Hadii xeerkan la ansixiyo waxa uu wax badan ka bedeli doonaa qaab nololeedka bulshada sida cuntada, dawada iyo waxyaabaha kale ee dalkeena la keeno oo cid baadha oo hubisaa aanay jirin.”

Xeerkan ayaa waxa uu si wayn u caawin doonaa kuna shaqayn doonta hay’adda dhawrista tayada oo ah hay’add qaran oo madaxwaynaha Somaliland u xil saaray in ay ka shaqaysa hubinta iyo baadhista tayada waxyaabaha dibadan inooga yomaada.

xeerkan ayaa ah mid waxbadan ka tari doona baadhista iyo hubinta waxyaabah dalkeena uga yimaada wadamada dibada sida cuntada iyo dawada.

Hadii asaarka xeerkan Hay’adda dhawista tayada ay ansixiyaan goleyaasha sharci dajinta ee guutida iyo wakiilada ayaa waxa uu si rasmi ah u dhaqan gali doonaan marka uu saxeexo madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

 

By: Jamaal C/raxmaan Macalin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here