Kenya oo lagu Eedeeyay Cadaadinta Qaxootiga

0
544

Hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda qaxootiga ee Refugees International ayaa warbixin ay shalay  soo saartay waxa ay ku sheegtay in qaxootiga Soomalida ee ku nool dalka Kenya uu cadaadis xooggan dhinacyo badan ka haysto.
Hay’addu waxa ay sheegtay in ay aad u yartahay suurtagalnimada in ay qaxootigaasi dalkooda ku laabtaan. Sababtuna waxa ay ku sheegtay in Soomaaliya aysan ka helayn nolol wanaagsan, xilli haatan xaaladda bani’aadanimo ee Soomaliya ay ka sii darayso.
Refugees International waxa ay soo xigatay go’aan kal hore sanadkaan ay dowladda Kenya soo saartay kaasi oo ahaa in qoxootiga ku sugan magaalooyinka dalkaasi ay ku laabtaan xeryaha xaqootiga iyo hawlgal ay ciidamada ammaanka Kenya ka fuliyeen xaafadaha ay Soomalidu ka degantahay magaalada Nairobi.
Hay’addan ayaa warbixinteeda ku xustay tacadiyo loo gaystay qaxootiga Soomalida ah ee Nairobi xilligii uu socday hawgalkii loogu magacdaray Usalama Watch, waxa ayna tilmaamtay in dadka qaxootiga ah qaarkood lagu khasbay in ay bixiyaan lacago laluush ah oo gaadhaya inta u dhaxeysa 450 doolar ilaa 550 doolar si ay isku badbaadiyaan.
Warbixinta ayaa waxa ay ugu baaqday dowladda Kenya in ay gudato waajibaadkeeda kaga aadan arrimaha qoxootiga sida ku xusan heshiiskii saddex geesoodka ahaa.
Sidoo kale, warbixintu waxa ay ugu baaqday hay’adda UNHCR iyo waaxda arrimaha qaxootiyada ee dalka Kenya in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo wadaagi lahaa macluumaadka ku saabsan dib u celinta qoxootiga Soomaalida isla markaana UNHCR ay xaqiijiso in barnaamijyadeeda dib u celinta xaqootiga ku nool Kenya iyo dib u dejinta dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo looga gol-leeyahay in dadkaasi ay helaan noolal wanaagsan.
Warbixintani ayaa ku soo beegmayso xilli dowladda Kenya ay doonayso in tiro badan oo qaxootiga Soomaalida ah ay dalkooda dib ugu laabtaan, xilli xaaladda bani’aadanimo ee gudaha Soomaaliya ay ka sii dareyso.
 

Leave a Reply