Dawladnimadeenu waa Muwaadin La Doorto iyo Hawl-wadeenu uu Dirsado oo Dalka u addeega

0
503

Waxaynu nahay Umadd leh dawladnimo Buuxda/taama ,  Xeerar iyo Shuruuc dhamaystiran oo sal u ah isbedelka Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee ka hirgalay Dalkeena.  Si dhayal ah kumay iman hawshani balse Tacab iyo Juhdi ayaa loo huray waxaa laga soo bilaabay Nidaam Xeer-dhaqameed illaa Dastuur Qaran iyo Dimoqoraadiyad sal dhigtay oo aynu hadda ku naaloonayno ayaynu hantinay ALLE ayaana mahadaa iska leh.  In aynu sii adkaysano horumarkeenaana waa waajib,  shuruucda iyo dastuurkeenana in aynu aqoon wanaagsan u yeelano oo aynu ku dhaqanana waa lagama maarmaan. Siyaasiyiinta Xisbiyadda mucaaridka iyo cida kale ee ka moogan macluumaadka ku duugan Dastuurkeena qaran  iyo xeerarka kale ee dalka ayaan qodobo kamid ah halkan  ugu soo gudbinayaa waana kuwan:
 
Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 XEER No. 14/2011 iyada oo laga duulayo Qodobada dastuurka qaranka ee kala ah Qodobka 9aad, 22aad, iyo 23aad. Qodobkiisa 2aad ee ah “Mabaadii’da Guud iyo U Hoggaansanaanta Sharciga” waxa uu iftiiminayaa arimahan soo socda:1)Xisbiyada /Ururadu waa in ay u hoggaansanaadaan Dastuurka,Xeerarka dalka iyo hanaanka Dimoqraadiyadda, waana in aanu wax u dhimaynin midnimada dalka, dhammaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadgelyada guud. Haddana aynu guda galno oo aynu soo qaadano qodobo kamid ah Dastuurkeena qaran, tusaale ahaan QODOBKA 81AAD “WAAXDA FULINTA” waxa uu leeyahay; Waaxda Fulinta (oo mararka qaarkood Ioogu yeedho (Xukuumadda) ) waxa madax ka ah Madaxweynaha, waxaanay ka kooban tahay:­@   Madaxweyne,@   Madaxweyne-ku-xigeen; @ Iyo Golaha Wasiirada ee Madaxweynuhu magacaabo. QODOBKA 34AADWAAJIBMDKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA”  farqadihiisa 1 aad iyo 2aad waxa u tilmaamayaa sidan:        . 1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo danta si waafaqsan xeerka. 2. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka. Sidoo kale QODOBKA 8AAD” SINNANTA MUWAADINIINTA” farqadisa 1aad iyana waa sidan: 1.  Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.  Dhinaca kale QODOBKA 37AAD “AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA” farqadiisa 1aad waxay odhanaysaa; 1. Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka. Sidaa si lamid ah,QODOBKA 94AAD “GOLAHA WASIIRADA” farqadihisa 1aad iyo 2aad waxay cadaynayaan sidan;  1.Golaha Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyaga oo wadajir u go’aamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha iyo barnaamijyada Dawladda. 2. Waxaa Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada magacaabi kara ama xilka ka qaadi kara Madaxweynaha; waxaana magacaabiddooda la hor dhigayaa Golaha Wakiilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (Simple Majority) oo gacan taag ah. QODOBKA 90AAD “AWOODAHA MADAXWEYNAHA” farqadihiisa 1aad iyo 2aadwaxay xalaalaynayaan arimahan; Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil­saaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda. Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda:­ 1. Hoggaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda.2.  Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasiirada.
 
Gabagabadii; waxaan masuuliyiinta Xisbiyada mucaaridka gaar ahaan Kuxigeenka WADANI iyo waliba shakhsiyaad kamid Golaha  Xeer-dajinta  ee maalmahan ku mashquulsanaa qardajeex iyo indho la’aan shuruuceed leeyahay waxaad rabtaan in aad dalkan hogaamintiisa qaran u tartantaan, balse waxaad cagta saarteen jid qaloocan oo qabyaaladeed taasina waa mid hore looga soo gudbay mana aha mid aad hal qof ku kasban kartaan, sharciyada dalka ixtiraama oo haddii aydaan dhug u lahayn boqol iyo sodonka qodob ee dastuurka  dib isugu noqda.midnimadda umaddana xaqdhawra.
 
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Askar
Hargeysa ,Somaliland
 
 

Leave a Reply