Kiisas Cusub oo Cudurka Ebola ah oo laga Digay

0
528

Hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO ayaa waxa ay ka digtay in kumannaan kiisas cusub oo ah cudurka Ebola laga filayo todobaadyada soo socda dalka Liberia, ee ku yaala Galbeedka Afrika.
Hay’ada ayaa ugu baaqday deeq bixiyayaasha in ay afar jibbaaraan dadaaladooda.
Cudurka Ebola ayaa waxa uu galaaftay nolosha in ka badan 2,000 oo qof tan iyo markii lagu arkay Galbeedka Afrika bishii March ee sanadkan.
Dalka Liberia ayaa hadda ah kan uu sida ba’an u saameeyay cudurka Ebola, markii loo fiiriyo afarta dal ee kale ee ka tirsan Galbeedka Afrika ee uu cudurka ka dilaacay.
Hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegeysa in wax ka qabashada cudurka Ebola ee dalka Liberia uu gebi ahaanba ka sareeyo awoodda iyo ka jawaab celinta dowladda iyo hay’adaha caafimaadka.
Hay’ada ayaa waxa ay sheegeysaa in dadka ay dhinac walba u socdaan magaalada caasimada ah Monrovia, iyaga oo baadi goobaya sariir lagu daweeyo, laakiin aananba la heli karin.
Dhab ahaantii majiraan sariiro ku filan oo bukaanada la seexiyo guud ahaan dalka oo dhan.
Dhinaca kale hay’ada waxa ay ka digeysaa in tagaasida ay noqdeen waxa ay ugu yeedhtay meelaha khatarta ah ee suura galka ah in la isugu gudbiyo cudur sidaha Ebola, iyadoo marka bukaanada ay ka cararaan xarumaha daweyntana ay si lama filaan ah u qaadsiiyaan cudurka dadka kale markii ay ku noqdaan guryahooda.
Hay’ada caafimaadka adduunka waxa ay ku qiyaaseysaa in kala badh kiisaska deg-degga ah wax laga qaban karo
Afhayeenka hay’ada ayaa u sheegay BBC-da in taageera walbo oo ay fidiyaan dalalka kale ee dunida la soo dhaweynayo, oo xitaa ay ka mid tahay isticmaalka ciidamadooda.

Leave a Reply