Xukuumada cusub ee Ciraaq iyo xaalada dalka

0
584

Xukuumadda cusub ayaa laga filayaa in ay dalka  ka samata bixiso kala qeybsanaan baaxad leh, kaddib markii Suniyiinta iyo Kurdiyiinta dalkaasi ay ku eedeeyeen Ra’iisul wasaarihii hore Nuuri Ali Maliki in uu awooda oo dhan gacanta u galiyay Shiicada uu ka dhashay.
Mareykanka ayaa soo dhaweeyay xukuumadda cusub, waxaana xoghayaha arrimaha dibada ee dalkaasi, John Kerry uu ku tilmaamay waa cusub oo Ciraaq u baryay.
Mr Kerry ayaa waxa uu todobaadkan u socdaalayaa dalalka Sacuudi Carabiya iyo Urdun, waxa uu safarkiisa qeyb ka yahay dadaalada uu Mareykanka ku doonayo in la dhiso midow caalami ah oo ka dhan ah kooxda Daacish, kuwaasi oo ka qabsaday dhul baaxad leh wadamada Ciraaq iyo Suuriya.
Waxa uu sheegay in dadaalkan caalamiga ah uu muhiim u yahay in dib looga riixo dhulka ay qabsadeen maleeshiyaadka Suniyiinta ah ee Daacish.
Waddanka Mareykanka waxa uu ku cadaadinayey hogaanka Baghdad in uu wax ka qabto cabashada Suniyiinta laga tirada badan yahay, si ay uga mid noqdaan dagaalka ka dhanka ah ururka Daacish.
Mr Kerry ayaa waxa uu sidoo kale ka codsan doonaa hoggaamiyayaasha Suniyiinta ee Gobalka, in ay muujiyaan midnimo looga soo horjeedo ururka Daacish.

Leave a Reply