Shirkad ku taala dalkaasi Ingiriiska oo Baran baro ka samaysay Buskud cusub

0
542

Maalin qudha maka fikirtay faa’idooyinka Baran barada?
Shirkad laga lee yahay dalkaasi Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay waxay soo saartay buskud ka samaysan Baran baro ,iyada oo doonaysay inay ka jawaabtu su’aashan ahayd faa’idada Baran barada,waxaanay khubaro kamid ah shirkaddani muddo ka fikiraysay sidii ay uga warkeeni lahayd xayawaankan iyo faa’idadiisa,waxaanay ugu dambayn sheegtay inuu ka kooban yahay xayawaankaasi yari barootiin aad u badan.
Shirkaddan ayaa suuqyadda soo gelisay buskudkan cusub kaasi oo ay dhamaantiisba ka samaysay Baran baro,iyada oo sheegtay inuu ka kooban yahay borotiin aad u badan,waxaanay ka kooban tahay xabada buskudka ahi ilaa 40 midh oo Baran baro ah,iyada oo la qalajiyey,waxaana lagu daray waxyaalo kala duwan oo ay kamid tahay budo ,laws  iyo fuul sudaani,waxaana lagu iibinayaa xabadii 3 dollar.
Gabe Lewis and Greg Sewets oo ah aas aaseyaasha shirkadan ayaa ka hadlay sababta ay u doorteen xayawaankan ,waxaanu yidhi “waxa uu lee yahay xayawaankan yari faa’ido cunto oo badan,waxaana dhici karta inuu dadka xanuuno ka kexeeyo lagana helo barootiin badan,waana mid dadka hab daweyn nafsi ah loogu samayn karo”. Xabada keliyaata ee baran barada ah ayaa la sheegay inay ka kooban tahay 270 ilaa 300 oo maadada Calories-ka loo yaqaano ah ,sidoo kalena ay ka kooban tahay 10gram oo protein ah.

Leave a Reply