Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada UK oo Isku dayaya inay Midowga ku hayaan Scotland

0
563

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada ugu waaweyn UK ayaa baaqay   codbixiyeyaasha   in aan loo codeynin in ay Iskotland madaxbannaani ka qaadato dalka intiisa kale, iyaga oo ka ololaynaya xuduuda waqooyi ee dalka aftida laga qaadayo.
Ra’iisulwasaareDavid Cameron ahna hoggaamiyaha xisbiga Tory ayaa sheegay in ay noqonayso dhacdo qalbi jab ah haddii lagu codeeyo HAA.
Sida oo kale hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha  Ed Miliband ayaa sheegay in ay arrinta midowgu ahayd mid ka soo go’day qalbiga iyo nafta.
Waxa isna sidaa oo kale u hadlay hoggaamiyaha xisbiga liberal dimuqraadi said Nick Clegg oo ku booriyay reer Scotland in ay ku codeeyaan MAYA.
Wasiirka koowaad ee Scotland  Alex Salmond ayaa ku tilmaamay mucaaridkiisa kuwo aan la aamini Karin.
Mr Cameron iyo  Mr Miliband uga baaqday su’aalihii caadiga ahaa ee lagu weydiin jiray fadhiyada, waxaaney u baqooleen waqooyiga.
Inkasta oo sadexda hoggaamiye gooni gooni u kala ololeynayeen haddana mid walba waxa uu ugu baaqayay codbixiyeyaasha in aaney ka tagin Boqortooyada midowday.
 
 

Leave a Reply