Sacuudiga oo Iska Fogeeyay Ururka Daacish

0
511

Safiirka Sacuudi Carabiya u fadhiya dalka Britian ayaa ku eedeeyay beesha caalamka korodhka kooxaha jihaad doonka ah ee sida Daacish oo kale ah.
Amiir Moxamed Bini Nawaaf ayaa u sheegay warfidiyeenka  in dalkiisa uu ku gacanseedhay waxa uu ku timaamay eedeymaha been-abuurka ee sumcad xumadda u keenaya dalkiisa oo la leeyahay waxay mas’uul ka yihiin soo ifbaxa Ururka Islaamiga ah ee Daacish.
Taa badelkeeda, waxa uu Amiirku sheegay in beesha caalamku ay ku guuldareysatay in ay faragalin sameyso, una ogolaatay Ururada xag jirka ah in ay ku sii baahaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Waxuu Amiirku intaa ku daray, in ururka Daacish uu hadafkiisa kowaadba yahay la dagaalanka dalkiisa Sacuudi Carabiya, ayna tahay wax xaqiiqada ka fog in dalkiisu uu taageero Ururkaas.
Sacuudi Carabiya ayaa laga filayaa in ay si weyn u taageerto xulufada uu Mareykanku horseedka ka yahay ee ka dhanka ah Ururka Daacish.

Leave a Reply