Qarax Hoggamiyeyaal ku Dilay Suuriya

0
533

Kooxda Axraar al-Shaam, oo ah kooxda ugu dhaqdhaqaaqa xooggan dallada Islamic Front, ayaa sheegtay in Xasan Cabuud, uu ka mid ahaa ugu yaraan tiro hogaamiyayaal ah oo ku dhintay qarax ka dhacay xaruntooda magaalada Ram Xamdaan, ee gobolka Idlib, iyadoo xilligaasi uu socday kulan ballaadhan.
Inkasta oo ay  kooxdaasi  tahay koox xagjir ah, ayaa haddana waxa ay ka soo horjeesteen oo ay isku dhaceen kooxda ka sii xagjirsan ee Dowladda Islaamiga ah, kuwaasi oo ay u badan tahay in lagu eedaynayo weerarkan.
Dhimashada Xasan Cabuud ayaa imanaysa xilli Mareykanka uu doonayo in mucaaradka Suuriya ay u midoobaan dagaal ka dhan ah kooxda Dowladda Islaamiga ah, walow kooxda Axraar al-Shaam aanay jeclayn inay ka qeyb qaataan olole uu Mareykanku horkacayo.
Kooxdan ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay inay ka sameeyaan dalka Suuriya dowlad Islaami ah oo aan dimuqraadi aheyn.
 
 

Leave a Reply