Socdaalka John Kerry ee Bariga Dhexe

0
503

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa gaadhay dalka Ciraaq, halkaas oo uu kula kulmi doono xubnaha dowladda cusub ee dalka Ciraaq.
Waxa ay qeyb ka tahay booqasha uu ku maraya gobalka Bariga Dhaxe oo uu taagero ugu raadinaya la dagaalanka mintidiinta Dowladda Islaamiga oo gacanta ku hayo dhulal ka tirsan waddamada Ciraaq iyo Siiriya.
Mareykanka waxa uu doonayaa in dowladda cusub ee Ciraaq ay si dhaqso leh wax uga qabato cabashooyinka ay qabaan sunniyiinta iyo Kurdishka Ciraaq, si ay meel uga soo wada jeestaan Dowladda Islaamiga.
Dhinaca kale, Madaxweyne Obama ayaa lagu wadaa in galinkii dambe ee shalay in uu ku dhawaaqo istaraatiijiyad ku aadan sidii kooxdaasi loo jabin lahaa.
Kol sii horreeysay ayuu Obama hoggaamiyaasha Congress-ka u sheegay in uu leeyahay awood uu tallaabo milatari oo ballaadhan kaga qaado kooxda Daacish.
 

Leave a Reply