Gabadh maskaxdeeda ay qaybi shaqaynayso oo 24 sanno kadib la ogaadey

0
474

Gabadh u dhalatay dalkaasi Shiinaha ayaa dhowaan la shaaciyey inay maskaxda qaybi bakhtiday kadib markii ay noolayd 24 sanno,ilaa waqtigaasina waxa ay ahayd mid ku nool kuna shaqaysa qaybtaasi  maskaxda ka nool ,iyada oo aan dareemin qaybta kale ee ka maqan.
Qaybtan ka maqan ayaa ah qaybta qaabilsan kala socodka waxyaalaha uu qabanaayo qofku,iyada oo ay mudadaasiba caadi ahayd xaaladeedu,mana jirto waxyaalo ay dareentay oo dhanka maskaxda ahi,iyada oo aanay shaqadeeda caadiga ah ee jidheed mar keliyaata aanay is dhimin,waxaanay gabadhkani lamid tahay dadka caadiga ah.
Gabadhkan yar ayaa waqtiyaddii ugu dambeeyey ahaa mid dareemaayey waxyaalo noloshiisa kusoo kordhay,gaar ahaana  daal,wareer iyo  lalaabo ,taas oo keentay inuu u tago dhakhtarka u gaarka ah ,waxaanu gabadhkaasi maray dhakhtarka oo baadhitaan ku sameeyey,waxaanu ugu dambayn dhakhtarkaasi markii ugu dambeysay ayaana loo cadeeyey inay maskaxdiisa dhinac madow dahay.
Gabadhkan ayaa ahaa mid aan luuqada kari jirin ilaa intii ay da’diisu ahayd 5 jirka,isaga oo sidoo kalena aan socon jirin ilaa intii da’diisu ahayd 7 jirka,waxaanu caadi noqday markii dambe ,sida lagu sheegay warbixin lagu qoray website-ka Daily Mail.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay in shaqo la’aanta qaybtan maskaxda kamidka ahi ay tahay mid keeni karta inay ugu dambaynta socon kari weydo inantaasi yari,sidoo kalena ay ciyaari kari weydo ama boodi kari weydo,iyada oo ay tilmaameen inay qaybtaasi ka maqan yihiin biyo loogu talo galay oo ah kuwa suurto geliya shaqo badan oo maskaxda ahi inay qaybtaas ka dhacdo,waxaanay tilmaameen inay adag tahay siday usii noolaataa wixii intan ka dambeeya,waxaanay xaaladani noqotay xaalada sagaalaad xaaaladaha caalamiga ah ee cudurada,isaga oo xanuunkani noqday mid dhif iyo naadir ku ah caalamka.
Kooxdan dhakhaatiirta ah ayaa xaaladan u gudbiyey laab ku yaala dalkaasi Belgium,iyada oo sidoo kalenaay cilmibaadhis ku wadaan dhakhaatiir ka socota jaamacadda lagu magcaabo University of Brussels qaybteeda caafimaadku,iyaga oo awooda saaraaya siday u ogaan lahaayeen waxyaalaha sababay inay qaybtan muhiimka ah ee maskaxdu shaqayn weydo gabadhan yar,sidoo kalena ay u suurto gasho inay sida dadka caadiga ah u dhaqanto mudadaasi 24 sanno ah.
Gabadhan ayaa ah xaas ,iyada oo aan la wadaagi caruurta ay dhashay xanuunkan,mana jiro wax dhibaato ay oo ay qabaan caruurteedu,iyaga oo dhamaantood wada maray baadhitaano caafimaad oo kala duwan.
 

Leave a Reply