Ra’iisal wasaaraha UK oo Hanjabay

0
576

David Cameron ayaa sheegay in la soo qaban doono dadkii ka danbeeyay dilka ninka Briritishka ee David Haines.
Isagoo hadlaya kadib markii uu uu yeeshay shirka deg dega ee Cobra, Ra’iisalwasaaraha ayaa ka tacsiyeeyay isagoo ku amaanay inuu yahay geesi British oo ay dileen kooxda Daacish.
Wuxuu sheegay in waddanka uu ka xunyahay in qof British ah uu dilkaasi foosha xun sameeyay.
Mintidiinta Daacish muslin ma aha ee waa balaayo ayuu ku tilmaamay  Mr Cameron.
Mr Haines ayaa lagu afduubay Suuriya 2013kii. Waxaa qabsaday mintidiinta Daacish oo horay u dilay laba wariye oo Maraykan ah.
Wuxuuu sheegay David Cameron uu Maraykanka isbaysteen si loola dagaalamo Daacish “sidii uu horay u sameeyay Tony Balair.”
“Nasiib daro dad britishka ayaa dhibka ay u imanaysaa go’aanka xun ee uu baarlamaankeenu sameeyo” ayuu yiri.
Mintidka oo leh lahjad british ah ayaa dhahaya “Ninkan britishka ayaa dhbka ay u imaanaysaa , Cameron, balanqaadka aad ku hubaynayso ciidamada Peshmerga ee Kurdishka ee la dagaalamaya Daacish”.
Wasaarada arrimaha dibadda ayaa sheegtay in filinka uu yahay mid run ah.
 

Leave a Reply