Aftida Scotland Maxaa ka soo Bixi kara?

0
451

Hoggamiyayaasha saddexda xisbi siyaasadeed ee ugu weyn Britain ayaa waxa ay saxiixeen heshiis dhigaya in awood dheeraad ah la siiyo Scotland, haddii codbixiyayaashu aftida dhaceysa maalinta khamiista ku diidaan  madax-banaanida Scotland.
Heshiiskan ayaa waxa uu ballanqaadayaa in baarlamaanka Scotland la siinayo awoodo cusub oo joogta ah iyo in sidoo kale ay maamulayaan dhaqaalaha adeegga caafimaad ee dalka.
Dadka u ololeynaya madaxbannaanida ayaa ku doodaya in sida kaliya ee Scotland ay ku heli karto awood buuxda ayaa waxa ay tahay in shacabka ay u codeeyaan madaxbannaani. Haddaba su’aasha ayaa ah awood intee dhan ayuu leeyahay baarlamanka iminka jira ee Scottland, maxaase is-baddali oo dhici kara haddii scottland ay madaxbannaani hesho.
Xilligan la joogo, dhaqaalaha laga helo canshuuraha saliidda Badda waqooyi (North Sea) waxa loo diraa waaxda maaliyadda ee magaalada London. Dowladda UK ayaa sidoo kale waxa ay maamushaa warshadaha saliidda, gaar ahanna dhanka lahaanshaha, qalabaynta iyo dhuumaha qaada saliidda. Scotland waxa ay iyadu awood u leedahay sharciyada dhanka deegaanka sida in ay sameyso hiigsiga dhanka isbadalka cimilada.
Dowladda UK waxa ay maamushaa dhalinta iyo qaybinta quwadda korontada.
Dowladda Scotland waxa ay ku qiyaaseysaa canshuuraha saliidda badda waqooyi  inta u dhaxeyso £6.8 bilyan ilaa iyo £7.9 bilyan muddada u dhaxeysa sanadka 2016-ka ilaa 2017-ka. Waxa ayna sheegeysaa in dhaqaalahaasi loo adeegsan karo mustaqbalka dambe iyo in bulshada ay ka faa’iideystaan dhaqaalahani.
Dowladda Scotland waxa ay noqoneysaa suuqa kaliya ee dhanka korontada. Waxa ay sidoo kale sameynaysaa sanduuq dhaqaale oo dhanka korontada ah, waxa ayna ballan qaaday in aysan wax isbadal ah ku samayn dhaqaalaha saliidda iyada oo aan wadatashi ka sameyn.
Dowladda Scotland waxa ay sheegeysaa in aysan jirin qorshe lagu kordhinaayo canshuuraha dhanka wax soo saarka saliidda.
Xisbiyada doonaya midnimada ayaa waxa ay ku doodayaan in suuqa saliidda aanu  cago buuxa ku fadhiyin, sidaasi awgeedna wax dheeri ah aysan helayn Scotland.
Xisbiga shaqaalaha waxa uu leeyahay canshuuraha saliidda waa in ay sii jirto balse sicir aad u yar oo canshuur ah laga qaado deegaanada miyiga.
Waaxda maaliyadda ee London waa in ay la shaqaysaa dowladaha hoose ee jasiiradaha si loo taageero horumarinta quwadda korontada ee dib loo cusboonaysiin karo iyo horumarinta tamarta heerka qaran. Xisbiga muxaafidka waxa uu leeyahay waa in ay jirtaa isla xisaabtan dhaqaale si wax looga qabto fikradaha khaladka ah ee ku saabsan dakhliga ka soo xarooda canshuuraha saliidda. Xisbiga dimuquraadiga ayaa sheegaya in canshuuraha dhanka saliidda loo maareeyo sidii hore.

Leave a Reply